War Deg-Dega:Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub Ee Somaliya Oo Mar Dhawayd Loo Doortay Xubin Ka Soo Jeeda Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega:Gudoomiyaha Baarlamaanka Cusub Ee Somaliya Oo Mar Dhawayd Loo Doortay Xubin Ka Soo Jeeda Somaliland
December 27, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Waxaa goor dhaweyd la soo gabagabeeyay dhaarta xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka cusub ee Somalia, waxaana goor dhaweyd xildhibaannada ay iska dhax doorteen guddoon ku-meel-gaadh ah.

Gollaha shacabka ayaa gudoomiye  ku –meel-gaadh ah u doortay Cismaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa xildhibaannadii Somaliland metelaya sida ay sheegteen ee ayna ku matalin shicibka iyo dawlada Somaliland oo lagu doortay magaalada Muqdisho oo la sheegay in uu yahay qofka ugu da’da weyn xildhbaannada aqalka hoose, halka guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah xubnaha aqalka sare loo doortay Max’ed Xusseen Raage oo ka mid ah xildhibaannada laga soo doortay maamulka Hirshabeelle.

Prof Max’ed Cismaan Jawaari guddoomiyihii hore ee baarlamaanka aya halkaa kaga dhawaaqay in wixii xiligan ka danbeeyay labada guddoomiye ku-meel-gaadh ee la doortay gudoomin doonaan baarlamaanka labada aqal inta laga soo dooranayo guddoon rasmi ah.

Jawaari ayaa ka dalbaday xildhibannada in laga cafiyo haddii ay jireen wax khaladaad ah oo ka dhacay mudadii uu soo hayay xilka guddoonka baarlamaanka

 

 

COMMENTS
LINKS