War Deg-Dega Xoghayaha Cadaalada ee Xisbiga Wadani Oo ay Mar dhawayd Kooxo Hubaysani Dhaawacyo Culus U Gaysteen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega Xoghayaha Cadaalada ee Xisbiga Wadani Oo ay Mar dhawayd Kooxo Hubaysani Dhaawacyo Culus U Gaysteen
December 19, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Xoghayaha cadaalada ee xisbiga Wadani Barkhad Jamac Batuun ayay mardhawayd dablay aan la aqoonsan jidh dil ugu gaysteen badhtamaha magaalada Hargaysa,masuulkan ayaa sida la sheegay ay niman budhcad ah oo ku hubaysan budad iyo toorayo ay la boobeen xili uu ku sugnaa meel laga shaaheeyo oo ku taala magaalada hargaysa, wararka ayaa intaas ku daraya in uu nabaro ka soo gaadheen madaxa iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin lugaha balse aanay dhaawacyadiisu sidaasi u sii cuslayn,masuulkan oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga Wadani Ayaan  ilaa hada la aqoonsan cida ka danbaysa falkan kaas oo aan cadayn in uu yahay fal shaqsiyadeed iyo mid siyaasadeed toona

COMMENTS
LINKS