WAR DEG DEG AH; Safiirkii Ruushka U fadhiyay Dalka Turkiga Oo Goor Dhawayd Toogasho Lagu Dilay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR DEG DEG AH; Safiirkii Ruushka U fadhiyay Dalka Turkiga Oo Goor Dhawayd Toogasho Lagu Dilay.
December 19, 2016 - Written by Editor:

ANKARA(W,N) Safiirkii Ruushka u fadhiyay magaalada Ankara ee Caasimada Turkiga Mr Andrei Karlov ayaa toogasho  lagu dilay.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in Safiirka uu u geeriyooday dhaawac ka soo Gaadhay toogasho uu u geystay nin ku hubeysnaa bastoolad.

safiir toogtay 3

Safiirka ayaa ku sugnaa meel madxaf oo ka socotay bandhig farshaxan, waxaana laga toogtay dhabarka dambe oo uu taagnaa, xilliga uu khudbad ka jeedinayay madxafka.

Waxaa la sheegay in ninkan uu ku qeylinayay Allaahu Akbar iyo erayo ay  ka mid ahaayeen joojiya gumaadka ay aad ku heysaan magaalada Aleppo ee dalka Suuriya.

Ninkii safiirka-toogtay 1

Shaqsiga toogashada geystay ayaa la sheegay in markii hore uu taagnaa dhabarka danbe ee safiirka, xilliga uu Safiirka khudbada jeedinayay.

Ciidamada Turkiga ayaa toogtay ninka dilka ka dambeeyay, waxaana ninka uu dhaawacay dhowr ruux kale oo ku sugnaa Matxafka ay ka socotay bandhiga Farshaxanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa tagay goobta lagu toogtay Safiirka Ruushka u fadhiyay magaalada Ankara.

Ciidammo Tiro  badan oo isugu jira kuwa milateriga iyo ciidamada sida gaarka u tababaran ayaa ku sugan halkii lagu dilay Safiirka Turkiga, waxaana socda baaritaano.

safiir-toogtay 2

 

WIXII KASOO KORDHA KALA SOCO WAJAALENEWS

COMMENTS
LINKS