WAR DEG DEG AH; Madaxwaye Siilaanyo Oo ka Aqbalay Masuul ka Cudur Daartay Xil Uu Xalay u Magacaabay Iyo Weedhaha Uu Ugu falceliyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR DEG DEG AH; Madaxwaye Siilaanyo Oo ka Aqbalay Masuul ka Cudur Daartay Xil Uu Xalay u Magacaabay Iyo Weedhaha Uu Ugu falceliyay.
December 4, 2016 - Written by Editor:

WAR DEG DEG AH; Madaxwaye Siilaanyo Oo ka Aqbalay Masuul ka Cudur Daartay Xil Uu Xalay u Magacaabay Iyo  Weedhaha Uu Ugu falceliyay.

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu ka Aqbalay Istiqaaladii uu u soo gudbiyey Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee xalay la magacaabay, waxaanu madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii hanan lahaa xilkaas, sida ugu habboon.

Waxaanu Madaxweynuhu kaga jawaabay Istiqaaladaas sidan:-

Ujeeddo:       Aqbalaad Istiqaalad

Ku:      Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro)

Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex                               Hargeysa

Og:       Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                               Hargeysa

 

Mudane,

Aniga oo ka duulaya shaqo ka-tagistaada xilka kor ku xusan ee aad warbaahinta ka sheegtay, waan soo dhaweynayaa, waanan kaa aqbalay iska-casilaaddaada.

Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
LINKS