Wafti ka Socda Dalka Jabuuti oo Maalmihii Udanbeeyay ku Sugan Magaalada Hargaysa iyo Hadalhaynta Shacabka Oo Dareeno Kala Duwan Abuurtay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti ka Socda Dalka Jabuuti oo Maalmihii Udanbeeyay ku Sugan Magaalada Hargaysa iyo Hadalhaynta Shacabka Oo Dareeno Kala Duwan Abuurtay,
December 15, 2016 - Written by Editor:

Maamulaha kastanka Saylac oo si wayn uga Dhex Muuqda xubnaha Horkacaya Waftiga ka yimid Dalka Jabuuti iyo Bulshada oo iswaydinaya Shaqada  Dadban ee uu Masuulkani Hayo.

HARGAYSA(W,N)Wafti balaadhan oo kasocda dalka jabuuti ayaa mudo laba cisho ahba ku sugan  caasimada Somaliland ee Hargaysa kuwaasi oo uu  hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Xasan Cumar Maxamed Burhaan, weftigaa waxa kale oo ka mid ah taliyaha guud ee ciidamada booliska Jabbuuti mudane gaashanle sare Cabdilaahi Cabdi Faarax, Sidoo kale waxa kale oo isna ku jira taliyaha qaybta socdaalka Cabdiqaadir Ibraahim Gona, waxa isna ka mid ah madaxa la dagaalanka iyo ka hortaga argagixisada caalamiga ah Cilmi Daahir, iyo la taliyaha wasiirka arrimaha gudaha Cabdiqaadir Fathi.

jabuuti kayimid

ujeedada waftigan ayaa lagu sheegay in ay u socdaan sidii kor loogu qadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo dalka jauuti kuwaasi oo ay ugu muhiimsan tahay dhinaca amniga .

xogaha hoose ee laga helayo ujeedada waftiga ayaa lagu sheegay in ay tahay   dhowr arimood kuwaasi  oo ay ugu horaysay in ay xukuumada jabuuti wali raadinayso xubno ay la xidhidhisay in ay yihiin argigixiso iyo sidoo kale qayb ku lahaa qarax jabuuti ka dhacay  mudo hore oo sida la sheegay xubnaha fuliyay ay soomareen Somaliland,

dhanka  kale ujeedada waftigan ayaa  la sheegay in ay salka ku hayso sidii ay xukuumada Somaliland ugu qancin lahayeen sidii ay isaga fogayn lahaaayeen in aanay marnaba wax xidhiidh ah ula samaynin ganacsade cabdiraxmaan boore oo dawlada jabuuti ay ku tilmaamto cadowgeeda koowaad, balse mudooyinkii u danbaysay la hadal hayay in uu somaliand la leeyahay xidhiidh fiican laguna talo jiro sidii uu usoo dagi lahaa dalka.

Wararka kale ee aanu ka helayno waftiga ayaa sheegaya in ay  madaxwyanha Somaliland ay kaqanciyeen maamuuskii ay ku qaabileen markii uu jabuuti tagay oo badi shacabka Somaliland saluug wayn ka muujiyay  xoogna loogu dhaleeceeyay dalkan ay jaarka nahay ee jabuuti meeqaamkaa hoose ee ay ku qaabileen madaxweye siilaanyo.

Isku soo wada duuboo wali ma cada ujeedada dhabta ah ee ka danbaysa waftigan balaadhan ee ka kooban laamaha kala duwan ee dalka jabuuti ayaa u muuqda mid safarkoodu ay kuladhan tahay ujeedooyin faro badan shacabka Somaliland  gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimaduna ay xoog u hadla hayaan imaatinka waftiga iyadoo sidoo kale ay  si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada halka hore xukuumada somaliland xukumada jabuuti ugu gacan galisay muwaadiniin reer Somaliland ah kuwaasi oo aan wali geeri iyo nolol midna aan lagaga warhayn

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF

 

 

COMMENTS
LINKS