Wada Hadalkii U Dhexeeyay Somaliland Iyo Maamulka Khaatumo Oo Saaka Si Rasmi ah U Furmy Iyo Jawigii Uu Ku Furmay+Xogo Ka Soo Baxaya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wada Hadalkii U Dhexeeyay Somaliland Iyo Maamulka Khaatumo Oo Saaka Si Rasmi ah U Furmy Iyo Jawigii Uu Ku Furmay+Xogo Ka Soo Baxaya
December 17, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Dec.17,21016-Waxa saaka magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya si rasmi ah uga fumay wada hadaladii u bilaabmayay dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo kaas oo loo balansanaa inuu saaka dhaco.

Waxaana wada hadaladan oo dhawr jeer dib u dhacay uu saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Addis-ababa,waxaana kulmay masuuliyiintii ka kala socday dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ee mid kasteba dhinaceeda usoo wakiilatay wada hadaladan.

Xogo kasoo baxaya wada hadaladan saaka bilaabmay ayaa sheegaya In labada dhinacba is barasho kadib ay si wanaagsan  u lafa gureen nuxurka waxa laga wada hadlayay waxaana  ay xogahani sheegayaan in badankooda si wanaagsan layskula afgartay.

Wada hadaladan ayaa inta ay socdaan waxa laga wada hadli doonaa ujeedada ugu wayna ay tahay sidii nabad waarta looga dhalin lahaa loona soo afjari lahaa dagaalada soo noq-noqda ee ka dhaca deegaanada gobolada bariga Somaliland.

Gabagabadiina Xubnaha dawlada Somaliland u matalaya wada hadaladan ayaa waxa hogaaminaya wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire halka kooxda Khaatumona uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka kooxdaasi Maxamuud Sheekh Cumar Xasan

 

COMMENTS
LINKS