Turkiga Oo Somaliland U Soo Diray Wafti Uu Hogaaminayo Safiirka Turkiga U Fadhiya Muqdisho Oo Hore Uga Dhawaajiyay Midnimada Somaliya Inay Tahay Muqadas Iyo Tuhunada Ku Xeeran | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Turkiga Oo Somaliland U Soo Diray Wafti Uu Hogaaminayo Safiirka Turkiga U Fadhiya Muqdisho Oo Hore Uga Dhawaajiyay Midnimada Somaliya Inay Tahay Muqadas Iyo Tuhunada Ku Xeeran
December 20, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Dawlada Turkiga ayaa shalay magaalada Hargeysa usoo dirtay wafti ka kooban afar xubnood kuwas oo uu hogaaminayo safiirka dawlada Turkiga u fadhiya Muqdisho Danjire Olgan Bekar,waxaana waftigan kamid ah gudoomiyaha gudida arrimaha dibada ee baarlamaanka dalka Turkiga xilddhijbaan Dr C. Kani Torun oo isna hore u ahaa safiirka turkiga ee Muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo ay dawlada Somaliland kasoo saartay ujeedada socdaalka Diblomaasiyiintan turkiga oo la sheegay inay xubno ganacsato ahi waheliyaan,laakiin warar xog ogaal ah oo uu Geeska Africa helay ayaa sheegaya in waftigan ay u socdaan laba ujeedo oo kala ah inay indho indheeyaan madaarka magaalada Hargeysa oo ay doonayaan inay maalgashi ku sameeyaan iyo sidii ay dawlada Somaliland ugu qancin lahaayeen in la xidho dugsiga waxbarasho ee Nile Academy oo uu maalgaliyo siyaasiga lagu eedeeyey inqilaabkii fashilmay ee Turkiga ka dhacay Mr Fathullah Gulen.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u diiday inay xidho dugsigaas waxbarasho,

Sidoo kalena diblomaasiyiintan oo maanta madaxwayne Siilaanyo la filayo inay la kulmaan ayaa doonaya inay gacan ka gaystaan gurmadka abaaraha iyaga oo shalay la kulmay gudida abaaraha Somaliland.

Safiirkan Turkiga ee waftigan hogaaminaya Danjire Olgan Bekar ayaa dhawaan si cad u sheegay in wada hadalada Somaliland iyo somaliya uu Turkigu ka leeyahay ujeedo ah sidii ay usoo noqon lahayd midnimadii burburtay ee dhex martay Somaliland iyo Somaliya.

Waxaana wasaaradda arrimaha dibada Somaliland ay sheegtay inay warqad ashkato ah u dirtay dawlada Turkiga taas oo aan ilaa hadda wax jawaab ah laga helin.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa la eegayaa bal jawiga uu ku qaabilo waftigan uu hogaaminayo danjiraha Turkiga ee Muqdisho ee dhawaan sida cad u majara habaabiyay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

 

 

COMMENTS
LINKS