|
|||||
WAJAALE NEWS
Turkiga Oo Sheegay Inuu Hayo Caddeymo Muujinaya In Mareykanku Taageero Kooxaha Argagixisada.
December 28, 2016 - Written by Editor:Ankara, (Wajaalenews) – Waddamada Turkiga iyo Ruushka ayaa si gooni gooni ah waxay dawladda Maraykanka ugu eedeeyeen inuu taageero kooxaha argagixisada ee Ka dagaalama waddamada Suuriya iyo Ciraaq. Madaxweynaha Waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu hayo caddeyn ah in Maraykanku hogaaminayo ciidamada isbahaysiga taageera Dawladda Islaamiga ah ee Ka dagaalama waddamada Ciraaq iyo Suuriya ee ISIL, sidoo kale loo yaqaano ISIS iyo kooxaha Kurdishka ah iyo waliba Jabhadaha kale ee YPG iyo kuwa xidhiidha la leh. Warkan oo ka soo baxay Xukuumadda Turkiga ee Magaalada Ankara ayaa la sheegay in la hayo sawiro iyo muuqaallo caddeyn u ah arrimahaas. Si kastaba ha ahaatee Turkiga ayaa kooxaha Liiska argagixisada ay ka mid yihiin Daacish, YPG Iyo weliba kooxda kale ee PYD. Related posts:Muj Cali Guray Oo ka Hadlay Xeerka Baananka Ee Golaha la Hor Geeyay Iyo Dhawaaqa kasoo Yeedhay Cul... “Maxamed Kaahin Hadii Uu Amiin Ku Difaacayo Ciidan Haku Difaaco,Waanu Qabsanaynaa fadhigii, Wixii Ka... Dawladda Qatar Oo La Filayo Inay Hargeysa U Soo Dirto Wefti Culus Oo Diyaarad Gaar Ah Ku Sidda Mucaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|