|
|||||
WAJAALE NEWS
TACSI:-Guddoomiyaha WADDANI oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Macalin Nuux Axmed Ismaaciil
December 26, 2016 - Written by Editor:Hargaysa(wajaalenews)Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya afkiisa, ka xildhibbaanada golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, laamaha dibadda iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee kala jooga gudo iyo dibad ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeriddii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Nuux Axmed Ismaaciil oo ku geeriyooday magaalada 25.12.2016kii, lagu na aasay isla magaalada Hargeysa. Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu tacsi taas la mid ah uu si gaara ugu dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo guud ahaan bahda Waxbarashada Somaliland isaga oo marxuumka ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi wanaagsan oo Alle ka cabsi isaga oo sida oo kale na ku tilmaamay in uu ahaa Macalin muddo 50 sanaddood ah naftiisa u soo huray siddii uu u soo saari lahaa da’yar fiican oo waxbaratay sida oo kale na tacab badan oon la qiyaasi karin soo galiyey siddii dadkiisa iyo dalkiisu ba ay jahliga uga bixi lahaayeen. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa ugu dambeyntii uu Alle uga baryeyaa Marxuumka, in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu naxariisiitii janatul Fardowsa ka waraabiyo. Ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii, bahdii waxbarashada iyo gaar ahaan ba wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed Ismaaciil(Hiiraan) na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiim Amiin
INNAA-LILLAAHI WA INNA ILEYHI RAAJICUUN Waaxda Warbaahinta Xisbiga WADDANI Hargeysa, Somaliland
Related posts:Warbixin Ku Saabsan Sidii Doorashooyinku Uga Qabsoomeen Guud Ahaan Somaliland 31May Iyo Waxyaabihii ... Somaliland oo Shaacisay In Kornayl Caarre Dalka Dhoofayo, Tiknikadii Uu La Fakadayna Meel Ku Xarayst... Weerarro Lagu Hoobtay Oo Ka Dhacay Gudaha Dalka Nigeria Iyo Dhimashada Oo Kor U Dhaaftay 40-Qof COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|