|
|||||
WAJAALE NEWS
SOMALILAND IS-HAYSTAHA LA HAYSTO! MUJ CALI GURAY
December 26, 2016 - Written by Editor:(ISMOOG UDBIHII BAY ASLAYSAA ISMANA OGA) Somalia 60kii bay cadaalad uga dhawaayeen maanta. Barlamankii berigaa wuxu ahaa sidan: Somaliland 33 kursi Somalia 90 kursi Isugeyn 123 kursi Maantana eeg kuraasida Aqalka Sare ee Baarlamanku markii lagu kordhiyay 18 xubnood oo dambe wuxu noqotay saami qaybsigoodi sidan: Somaliland 14 kursi Puntland 14 kursi Galmudug 14 kursi Hirshabeelle 11 kursi K/galbeed 11 kursi Jubbaland 11 kursi Somaliland 14 kursi Somalia 58 kursi Isugayn 72 kursi Taasi macnaheedu waxa weeye Somaliland waxay u dhigantaa Puntland ama Galmudug mid ahaan. Puntland iyo Galmudugna garo oo waxay ahaayeen laba gobol oo ka mid ahaa lixdii gobol ee Somalia intii aanay Somaliland isku darsamin. Markaa Somaliland waxay u dhigantaa hal gobol oo lixdii gobol ee Somalia ka mid ahaa. Marka ay sidaa tahay Somalia waxa la gudboonayd laba mid ahaan: In si looga qiyaas qaadan karo marka hore Barlamanka ay samaynayaan ku muujiyaan sida ay doonayaan in Somalia iyo Somaliland ay wax u qaybsadaan oo caqli gal ah. Maaha dhinacooda uun ee xataa dhinaca Somalilandna ay tixgeliyaan Laba in gebi ahaanba aanay Somaliland ku darin saami qaybsiga ee shakhsiyaad ay iyagu ka xusheen inta la joogta ee aan cidna metelin ay ku daraan cadeeyaana in cadkii Somaliland laaban yahay lana sugayo hadba sida uu xaalku u dhaco ka dib wadahadalada labada dhinac ee Somalia iyo Somaliland. Lakiin sida imika ay wax yidhaahdeen waa/ HA II SOO SOCONE NOQO waana fariin cad oo ku socota dadka Somaliland oo dhan oo u sheegaysa intii 60kii aanu idin siinay way badnayd oo xaq umaydin wada lahayn ee cadkiini waa kan eh bismilaha dheha. Nimankan Somaliland way ka baqdaa oo marna si run ah loo lama hadlin kuwa loo socaana iyaga ayaa u baahan in wax loo sheego. Hadii ay rag rag ah mar uun fooda is dari lahaayeen beri hore ayaa xal la gaadhi lahaa Markaa inta xaalka Somaliland yacyacoodka yahay ee caydhin iyo busayl midna ahayn arinku saw maaha ISMOOG UDBIHII BAY ASLAYSAA ISMANA OGA, CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)
Related posts:Madaxweyne Muuse Biixi oo Qaabiley Madaxweynihii Hore Ee Dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo Hadalka Cabatinka Ah Ee Marwada Madaxweynihii Geeriyoodey Marxuum Cigaal Oo Noqonaya Dacwaddii Afraa... Shir La Qorshaynayay Inay Caawa Iskugu Yimaadaan Qaarkamida Xildhbaanada Golaha Wakiilada Ee Beesha ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|