Somaliland Horumarkeedu Ma Lagu Gaadhi Karaa Dariiqad Aan Ahayn Ictiraaf, W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( Shaam Cade). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Horumarkeedu Ma Lagu Gaadhi Karaa Dariiqad Aan Ahayn Ictiraaf, W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( Shaam Cade).
December 18, 2016 - Written by Wariye:

Tusaale yar aan ku siiyo ,Somaliland ictiraaf bay maanta caalamka ka rabtaa su’aashu waxay tahay ictiraafkani maxaynu u rabnaa? ictiraafku ma hadaf baa ? maaha ictiraafku hadaf  , waa Strategyad aan ku gaarayno hadaf , hadafka somaliland ee umada lala rabaa waa horumar laakiin dariiqada loo sii marayo waa ictiraaf umadu waxaad moodaaa in ictiraaf uun lagu jiheeyey laakiinse arinta saxdaa waxay tahay hadafkeenu maaha ictiraaf laakiin waa wadadii loo marayey ictiraafka aynu ku gaadhaynay horumar ,su’aasha kale ee isweydiinta leh waxay tahay , horumarku ma lagu gaadhi karaa dariiqad aan ahayn ictiraaf ? haa waa lagu gaadhi karaa in taasoo Strategyad ama wasiilad oo lagu gaadhi karo horumar  ayaa jira oo

xaaji

waxaa daliil noogu filan dalka Taiwan la yidhaado maaha wadan muctarafa hadana horumarka caalamka meel layaab leh ayey ka gashay dad badan oo dadkeena ka mida ayaa waxay ku leeyihiin halkii ay ka qayb qaadan lahaayeen horumarka dalka wax dhiska dalka waxaad moodaa inay aamin sanyihiin horumarkii oo dhan in uu nooga xidhan yahay ictiraaf taasina sax maaha, horumarka anagoon ictiraaf helin ayeynu gaadhi karnaa sida maanta aynu wadooyinkeenii u dhisanay ayaa wax badanoo kalena u qabsan karnaa inagoo ictiraaf haysan , sidaa daraadeed bulshadeenu waxaa looga baahanyahay in ay is weydiiso maxaynu qabsan karnaa ,maxaynu inagu wax ka qaban karnaa , maanta inagu bulshadeenu waxay wax ka qaban kartaa waa inaan horumar sameeno inaynu wadankeena dhisno awood baynu u leenahay ,umadeenuna inaynu mideeno oo mid noqoto awood baynu u leenahay in umadeena la dhiso cid kasta la dhiso awood baynu u leenahay laakiin ictiraaf cid kaluu nooga xidhan yahay marka inaan ictiraaf isku daalino cid kale inooga xidhan oo wakhti badan galino aad baa looga fiican yahay , isagoo aan  aamin sanahay inuu ictiraafku muhiim yahay ay tahay inaynu u halgano Strategyadiisa saxda aynu sameeno qaabka loo galayana la hagaajiyo  anigoo taa aamin san hadana waxaan aamin sanahay diirada in aynu saarno in uu qof kasta horumarka ka qayb qaato waa inaad ogaataa adiga naftaada inaad masuul ka tahay ,dalkaaga masuuliyad kaa saaran tahay xashiishka gurigaaga yaala waa inaad qaadaa ,xashiishka wada yaalana waa inaad ka qaadaa laakiinse hadaad tidhaahdo dowlada hoose uun baa sugayaa arintaasi sax maaha oo waxaynu u baahanahay in masuuliyada nafaheena qaadno ,qofkasta naftiisa qaado ka dib baa waxa imaanaysa inaynu qaadno masuuliyada dalkeena laakiinse hadaynu dayacno masuuliyadaha nafaheena ,  tan reeraheena dayacno waxa imaanay tan somaliland ee weyn in aynaan wax badan ka qaban karayn.

Aqoonyahan ,(Master holder) ahna qoraa somalilandera (Shaam Cade)

Abdirahmaanho@hotmail.com

COMMENTS
LINKS