Qormooyin Isdultaagaya Sidii Muuse Biixi Mijaha U Hayey Xiligii Madaxwayne Siilaanyo Kursiga Doonayey Iyo Dhacdooyinkii ku lamaan!! Q 2Aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qormooyin Isdultaagaya Sidii Muuse Biixi Mijaha U Hayey Xiligii Madaxwayne Siilaanyo Kursiga Doonayey Iyo Dhacdooyinkii ku lamaan!! Q 2Aad
December 15, 2016 - Written by Editor:

Sooyaalkii  Mas Iyo Goodeynta Ahaa Ee Muuse  Madaxweyne Siilaanyo Ku Hayay  Xiligii Uu Kulmiye Mucaaridka ahaa.

Intiina lasocotay qormadeenii kowaaad waxan  kusoo sheegay bilowgii kulmiye iyo kusoo biiristii muuse biixi  iyo sidoo kale xafiiltanadii ka dhacay xubnaha golaha deegaanka ururka kulmiye ugalayay .

Marka taa laga gudbo Markii Kulmiye usoo baxey Kaalinta Xisbinimo islamarkaana, noqdey Xisbigii kaalinta labaad ka galey Doorashooyinkii D/hoose ee dalka ka dhacey 15kii Diisamber sanadii 2002dii kahor intii aan lagalin Doorashadii Madaxtooyada waxa qabsoomay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ku qabsoomay  Magaalada Hargeysa,shirkaas oo ahaa kii u horeeyay ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye qabsado waxaa kusoo biirey wakhtigaasi Xisbiga Kulmiye qaar kamid ah Saraakiishii Snm ee ay saaxiibada ahaayeen Muuse Biixi ee kujirey ururadii hadhey sida Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed iyo Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo kamid ahaa ururkii Asad ee uu Saleebaan Maxamuud Aadan(Gudoomiyaha Guurtida) xiligani hogaaminayay,iyadoo maalmahaa Warbaahintu aad u soo bandhigtey Markii Saleebaan ku biirey Udub sidii uu Maxamed Kaahin xaga Siilaanyo ugu soo ciirey,

siilaanyaa yaabay

Runtiina waxa uu shirkaasi u dhacey nidaam cadaalad daro badani ka muuqatey kadib markii loogu quus gooyay ragii tacabka badani kasoo galey Kulmiye Doorashadii Golayaasha Deegaanka gaar ahaana Siyaasiyiintii kasoo jeeday Gobolka Awdal oo ay rag culusi hormood ka ahaayeen sida Marxuum Cabdi Xasan Buuni oo Doorashadii Deegaanka Xisbiga jeebkiisa ka ciyaarey dhaqaalihii ku baxey Gobolka Awdal intiisa Badan,Axmed Xasan Caafi,iyo Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo Marxuum Buuni iyo Maxamed Rashiid isku diyaariyeen Loolanka Muarshaxa jagada Madaxweyne Kuxigeen.

marxuum cabdi xasan buuni maxamed rashiid

Dudmadii Marxuum Buuni Maxamed Rashiid iyo Ragii Reer Awdal Kaga Carareen Shirkaasi iyo Khidada Kaadhadhka Cusub Ee Loo Sameeyay Habeenimadii Golaha Dhexe:-

Sida ka muuqatey dhacdadan kalajabkii u horeeyay ee Xisbiga Kulmiye,inkastoo kaadiriyiintii Kulmiye ee waagaas ku xidhnaa Axmed Siilaanyo(Madaxweynaha)xiligan ay sheegaan in aanu arimo badan raali ka aheyn hadana waxa ay u muuqatey talaabadii Shirkani ku dhamaadey mid ay ka badheedheen Muuse Biixi Cabdi iyo saaxiibadiisa Asad kaga soo biirey Kulmiye ha ugu horeeyo Maxamed Kaahin waxaaney talaabada cadaalad darada ah ee Xisbiga Kulmiye ka caraabiyey odoyaashii Reer Awdal ee tacabka gashadey,waxa ay Muuse Biixi iyo kooxdiisu ugu soo cumaamadeen Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo beryahaa lagu naaneysi jirey ‘Cabdiraxmaan-Tolwaa’  Maadaama ay Cabdiraxmaan Aw Cali ka xumaatey Doorashadii Marxuum Cigaal lagula soo Doortey Boorame sanadii 1993kii kadib markii ay Madaxweynihii Geeriyooday isku seegeen intii ugu badneyd saaxiibtinimadii uu ahmiyada weyn siiyay ee Calan casta iyo arimhii Muuse Biixi hormoodka ka ahaa ee isaseegii Marxuum Cigaal waxaana sidaa ku noqdey Murashaxa jagada Madaxweyne Kuxigeen Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo Muuse Biixi wato iyo Axmed Siilaanyo oo loo cumaamadey Murashaxa jagada Madaxweyne Kuxigeen oo aan cidina kula tartamin haseyeeshee, waxa Xisbigii Udub ee Rayaale hogaaminayay ku biirey Siyaasigii rug cadaaga ahaa Marxuum Cabdi Xasan Buuni, Axmed Xasan Caafi iyo intii lasocotey.

2008 kulmiye

Mudo Kadib waxa kaabiga soo saarey Doorashadii u horeysay ee Madaxtooyada oo qabsoontey sanadii 2003dii bishii April markaas oo Muuse Biixi ay ka shaki galeen rag badan oo kamid ah Xisbiga kadib markii uu barqadii kazoo baxey Xarunta Komishanka Doorashooyinka islamarkaana, laba gacmood kor u taagey isagoo leh Kulmiye Guul,arintaas oo loo tiriyey in lagaga faa,ideystey Natiijadii Doorashada ee Kulmiye filayay waagaas  waana marka sitoos ah Siilaanyo looga maqley in uu todoba iyo toban shurudood raga uu ka aqbaley aanu ka ogolaaneynin in rabshad,goolaaftan iyo fadqalalo lagaga jawaabo natiijada Kulmiye filanayey ee hadana Xisbigii Udub ku guuleystey Doorashadaasi Madaxtooyada ee u horeysay.

cabdiraxmaan iyo xubno kale

Maxaa Dhacey Ka Hor Intii Aan Natiijada Doorashada Lagu Dhawaaqin:

Sida aynu kor kusoo Xusney Muuse Biixi waxa uu Subaxnimadii Natiijada Doorashada ku dhawaaqisteeda la sugayay barqadii kasoo baxey Xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka sida aynu kor kusoo xusney,isagoo aan kamid aheyn Ragii Komishanka ugu jirey tirinta codadka Xisbiga Kulmiye isaga waxaanu umadii kala taageersaneyd sadexda Xisbi ee Udub,Kulmiye iyo Ucid eek u sugneyd barxada kadinka hore ee Komishanka kor u taagey labada gacmood isagoo leh Kulmiye Guul,waxaana dhacey intaa kadib damaashaad xoogan oo intii ka dambeysay tobankii subaxnimo 10:00 Am saacada afrikada Bari guud ahaanba taageerayaasha Kulmiye ka sameeyeen Caasimada Hargeysa oo lagu damaashaadey Gaadiidka yaryar iyo kuwa waaweynba xaaladuna isku badeshay jawi walaac oo soo foodsaarey taageerayaashii iyo masuulyiintii Xisbigii Udub ee Madaxweyne Rayaale markaa hogaaminayay inkastoo isgaadhsiintu markaa bilow ku aheyd guud ahaanba Degmooyinka iyo Gobolada dalka kuwa ugu waaweyn oo qaarkood laga taageersanaa Xisbiga Kulmiye waxa damaashaadka Kulmiye u gudbey Goboladii iyo Degmooyinkii dalka ee Kulmiye laga taageersanaa sida Gobolada Togdheer iyo Gabiley ha ugu badnaadeen kuwa daamaashaadka xooga ahi ka dhacaye haseyeeshee, hadana waxa ay mar kale xiisad adagi abuurantey kadib markii Xubnihii Komishanka Doorashooyinku oo uu Gudoomiye u ahaa Axmed Xaaji Cali Cadami(Wasiirka Gaashaandhiga)xiligan, Gudoomiye Kuxigeena u ahaa Cabdilaahi Jawaan oo hada kamid ah Guulwadayaasha Muuse Biixi,xubnana ka ahaayeen Shugri Baandare(Wasiirka Deegaanka)xiligan, Muuse Xisbi, iyo sadex xubnood oo kale oo badhkood geeriyoodeen ay ku dhawaaqeen afartii Galabnimo 04:00 Pm in uu Xisbigii Udub oo ay Murashaxa Jagada Madaxweyne iyo Kuxigeen ka ahaayeen Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynihii xiligaas iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo ahaa Kuxigeenkii Madaxweynaha.

LASOCO QARMADA SEDEXAAD OO AYNU KUSOO GUDBIN DOONO XOGO XASAASIYA

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS