Qormooyin Isdultaagaya Sidii Muuse Biixi Mijaha U Hayey Markii M, Siilaanyo Kursiga Doonayey!! Iyo Dhacdooyinkii Ku lamaan!!1Aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qormooyin Isdultaagaya Sidii Muuse Biixi Mijaha U Hayey Markii M, Siilaanyo Kursiga Doonayey!! Iyo Dhacdooyinkii Ku lamaan!!1Aad
December 13, 2016 - Written by Editor:

Sooyaalkii  Mas Iyo Goodeynta Ahaa Ee Muuse  Madaxweyne Siilaanyo Ku Hayay  Xiligii Uu Kulmiye Mucaaridka ahaa!!!

HARGAYSA(W,N) Inkastoo aanu Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo kamid ahaa Saraakiishii halgankii Snm kamid noqon xubnihii Odey Siilaanyo la Aasaasay Xisbiga Kulmiye markii uu urur Siyaasadeedka ahaa hadana Muuse Biixi oo horaantii kamid ahaa xubnihii urur Siyaasadeedka SAHAN ee Dr Maxamed Cabdi Gaboose Gudoomiyaha u ahaa waxaa Muuse Biixi ku biirey Kulmiye,wax yaruun kahor Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee lagu ibo furey nidaamka dimuqraadiyada iyo Xisbiyada Somaliland ee dalka ka qabsoontey sanadii 2002dii 15kii diisember xiligaas oo ay Siilaanyo oo Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Kulmiye ahaa uu noqdey qofkii u horeeyay ee shuruudo badan ku xidha in uu kamid noqdo Ururkiisa maadaama Siilaanyo daneynayey in ay ururkiisa kamid noqdaan saraakiishii halganka Snm ee ay ku kala aragti fogaayeen hogaamintiisii SNM si aaney shacabka Somaliland uga fogeynin islamarkaana, sigaar ah u daneynayey in beesha uu kasoo jeedo Muuse Biixi ee (Sacad-muuse),u wada kasbado horjoogayaashoodii ciidamada iyo Siyaasiyiinta garabyadii SNM oo dhan.

siilaanyaa yaabay

Arimaha raadadka cadeynta u ahaa in ay Odey Siilaanyo uu Muuse Biixi ku dirqiyey shuruudo badan,oo uu kaga faa,ideysanayey baahida Siilaanyo qabey wakhtigaasi waxa hordhac u ahaa kadib markii xubnihii kasoo jeeday beesha (Sacad-muuse) ee katirsanaa Kulmiye dood adagi ku dhex martey Murashaxa koowaad ee Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa noqonaya numbarka koowaad liiska Murashaxiinta Caasimada taas oo ardaa kasta oo katirsan beeshaasi intii Kulmiye kujirtey qolo waliba dhinaceeda u qoondeysatey in ay qaataan Murashaxa koowaad aakhirkii waxa la isugu yimid Gurigii uu Hargeysa ka deganaa Marxuum Siyaasi Maxamed Cabdi Aadan Iskeerse kulankaas oo qabsoomay habeenimo waxa uu ahaa kulankii u horeeyay ee Muuse Biixi beesha (Sacad-muuse),intii kulmiye aheyd oo aaney goob joog ka aheyn Samaale,Cali Gurey iyo rag kale uu kasoo qeyb galo maadaama aaney waagaas beesha qeybo badan oo kamid ah isku sanbanaaneyn waxaana kamid ahaa raga watey in Murashaxoodu liiska murashaxiinta Caasimada numbarka koowaad ka galo kamid ahaa Odey Cabdi Aamin Cali,Marxuum Iskeerse,Ubax,Axmed Xaashi odey iyo Xubno kale oo Beesha Muuse kamid tahey khusuusana Beesha Reer Axmed ee Xuseen Abokor oo iyagu damaca iyo qorshaha numbarka koowaad codsigiisa ugu horeeyay haseyeeshee, markii qolo waliba doodooda soo bandhigtey waxa hadalka ugu dambeeyay Muuse Biixi Cabdi oo si adag ula Hadley intii kulankaa goob jooga ka aheyd ee dooneysay in Murashaxoodu numbarka koowaad ka galo liiska waxaanu u sheegay kuna celceliyay hadalka in Ururka Kulmiye doonayo cod uu ugu soo baxo Xisbi tartama sidaa daraadeedna aaney intan rabitaanka wada oo dhami aheyn kuwa haya codkii Kulmiye u baahnaa isagoo markaa Muuse watey nin ay isku raas ahaayeen Beesha Xuseen Abokor khusuusana Cabdale Siciid oo layidhaa Ismaaciil-Caymis waxaana uu ugu quus gooyay in laga fiirsan doono Murashaxa numbarka koowaad ka noqonaya liiska Murashaxiinta Hargeysa ee ku tartami doona Golayaasha Deegaanka doorashadiisa waxaana maalmo kadib soo baxey liiskii oo Ismaaciil Caymis Caasimada Hargeysa Liiska Kulmiye qofka koowaad yahey sidaana ay kaga qanceen intii kale oo u badnaa in ay u tudhayeen Kulmiye.

 

LASOCO QORMADA DANBE.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS