Qaraxyo ka dhacay dalka Mexico oo 29 qof ay ku dhinteen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaraxyo ka dhacay dalka Mexico oo 29 qof ay ku dhinteen.
December 21, 2016 - Written by Wariye:

qaraxMexico (Wajaalenews):-Qaraxyo is xigxigay oo aad u badan ayaa waxay ka dheceen suuq ku yaalla duleedka caasimadda dalka Mexico.

Suuqa ayaa lagu iibiyaa rashka iyo baaruud xilliyada dabaaldegyada la adeegsado. Maamulka dalkaasi wuxuu sheegayaa in ugu yaraan 29 qof ay ku dhinteen.

Sidoo kale, tobannaan qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxyada.

Muuqaal la yaab leh oo si toos ah TV looga baahiyay ayaa muujinayay sida uu ku bilowday dab qabsaday qeyb ka mid ah suuqa.

Mexico: Xuska maalinta mowtada (Sawirro)

Qabuuraha ka qaalisan guryo badan!

Ka dibna meesha waxaa la arkayay qaraxyo si is-xigxiga u dhacaya iyo holac iyo qiiq hawada isku shareeray.
Dadka ayaa ka kala cararay suuqa San Pablito cabsi aawadeed.

Dhacdooyiin tan la mid ah ayaa suuqan baabi’iyay sanadkihii 2005 iyo 2006-dii.

Wajaalenews.net
Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS