Qaar Ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo Kulan Kadis ah La Yeeshay Aqoonyahan Maxamed Cali Bille. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaar Ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo Kulan Kadis ah La Yeeshay Aqoonyahan Maxamed Cali Bille.
December 3, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa  ( WN  ) – Kulan kadis ah oo aan qorshaynayn ayaa subaxnimadii Sabtidan dhex maray qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo aqoonyahan Maxamed Cali Bille, kaftan siyaasadeed muddo socoday ka dib waxaanay masuuliyinta xisbiga u soo badhigeen inuu ku soo biiro.

Kulankan ayaa ka dhacay huteel Damal ee magaaladda Hargeysa, kulankan oo dhinaca WADDANI ay goobjoog ahaayeen Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbig Mucaaridka ee WADDANI Barkhad Jaamac Batuun,  Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye iyo Bashiir Cabdi Xariir wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaradda ganacsiga Somaliland.

KADISTA

Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbig Mucaaridka ee WADDANI Barkhad Jaamac Batuun ayaa kula kaftamay aqoonyahay Maxamed Cali Bille, waxaanu ku yidhi, “Aqoonyahan kolay waad soo galaysaa siyaasadee, miyaad ku soo biirtid xisbiga WADDANI”.

Aqoonyahan Maxamed Cali Bille ayaa ugu jawaabay, “Anigu xisbiyadda dalka waan u simanahay, waxaanan ahay qof u madax banaan xisbiyadda dalka ka jira oo dhan, meelna uma xidhni, cidna uma xidhni”.

Aqoonyaha Maxamed Cali Bille ayaa sheegay inuu jecel yahay inuu la kulmo madaxda sarsare ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI si uu xog dheeraad ah uga helo siyaasadda xisbiga iyo barnaamijyaddiisa gaar ah.

Aqoonyahan Maxamed Cali Bille oo muddo hadda ku dhow 25 sanadood ka shaqaynaayey  haayadda qaramadda midoobay, ka mid ahaa shaqaalaha caalamiga ah, wuxu dalka ka hirgaliyey laga soo bilaabo tan iyo 1991-kii mashaariic badan oo lagu dhisaayey waxbarashadda Somaliland iyo mashaariicdii kale ee xiliig lagu jiray dib u dhiska dalka.

Aqoonyahan Maxamed Cali Bille ayaa go’aansaday inuu hadda siyaasadda dalka ku soo biiro, si uu qayb uga noqdo, hanaanka siyaaasadda ee dalka si aqoontiisa iyo waayo garanimadiisa uu dalka iyo dadkiisaba ugu faa’iideeyo.

Aqoonyahan Maxamed ayaa bilaabay inuu qiimayn iyo daraasayn balaadhan ku sameeyo xisbiyadda qaranka ee Somaliland si uu ugu dambaynta u go’aansado xisbiga uu ku qanco barnaamijkiisa siyaasadeed iyo ee ay iswaafaqaan himiladiisa siyaasadeed.

 

 

COMMENTS
LINKS