M/wayne Silanyo Oo Dhambaal Codsi Ah U Diray Boqorka Dalka Sucuudiga Kana Codsaday In Uu Xayiraada Ka Qaado Xoolaha Somalida | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
M/wayne Silanyo Oo Dhambaal Codsi Ah U Diray Boqorka Dalka Sucuudiga Kana Codsaday In Uu Xayiraada Ka Qaado Xoolaha Somalida
December 14, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(wajaalenews)Dec.14,2016-Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa boqorka sucuudiga u direy dhambaal uu kaga codsanayo inuu ka noqdo xayiraadda ku meel-gaadhka ah ee uu saaray xoolaha soomaalida gaar ahaana xoolaha Somaliland.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa dhambaalkan u direy boqorka wadanka Sucuudiga wuxuu si guud mar ah ugaga waramay kaalinta ay xooluhu kaga jiraan dhaqaalaha dalka Somaliland oo uu ku sheegay 70% iyo sida uu go’aankan Sucuudigu ugu soo beegmay iyada oo ay abaar adagi ka jirto Somaliland.

Madaxwwayne Siilaanyo waxa uu sheegay in aan xoolaha Somaliland lagu arag labada xanuun ee ay dawlada sucuudigu sheegtay in lagu arkay xoolaha soomaalida,isaga oo sheegay inay Somaliland ka jiraan laba maxjar oo  heer caalami ah .

Madaxwayne Siilaanyo waxa u boqorka Sucuudiga ka codsaday inuu kala saaro xoolaha dalkiisa uga taga Somaliland iyo Somaliya isaga oo xusay inaan xoolaha Somaliland laga helin wax xanuun ah sidaas darteed laga reebo xayiraadda xoolaha sida ku meel gaadhka ah uu u saaray.

COMMENTS
LINKS