Muuse Biixi Oo Xalay Fiidkii Kulamo Xodxodasho ah La Yeeshay Odayaasha Iyo Siyaasiyiinta Beelaha Uu Ka Soo Jeedo Axmed Muumin Seed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muuse Biixi Oo Xalay Fiidkii Kulamo Xodxodasho ah La Yeeshay Odayaasha Iyo Siyaasiyiinta Beelaha Uu Ka Soo Jeedo Axmed Muumin Seed
December 12, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(wajaalenews)Dec.12,2016-Warar xog ogaal ah oo aanu ka helayno  ilo wareedyo u dhuun daloola xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in xalay fiidkii uu gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna Murashaxa Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi kulan qarsoodi ah la yeeshay odayaasha waxgaradka iyo siyaasiyiin Beesha Habar-cafaan ee uu kasoo jeedo siyaasi Axmed Muumin Seed.

Waxaana kulankan oo ka dhacay hotel Saw ee magaalada Borama ayaa waxa la sheegay  in madax-dhaqameedkan iyo siyaasiyiintan uu horkacayay suldaanka guud ee beesha habar-cafaan Suldaan Dhawal.

Waxaana kulankan lagu bilaabay garnaqsi iyo gorfayaynta siyaasadda xisbiga KULMIYE ugu talo galay beelaha Samaroon,waxanaa Muuse Biixi la sheegay inuu garnaqsigaasi kadib ka codsaday odayaashan uu kulanka la qaatay inay taageeraan isla markaana ay maalinka doorashada codkooda siiyaan.

Intaasi ka dib ayaa dhankooda odayaashan kulanka goob jooga ka ahaana ay Muuse Biixi waydiiyeen su’aalo badan oo ay  kamid tahay sida naloo sheegay waxa uu badalkooda siinayo iyo mansabka uu ugu talo galay Siyaasi Axmed Muumin Seed marka uu kusoo biro xisbiga KULMIYE madaama uu ahaa murashax u taagnaa madaxwayne ku  xigeen.?

Su’aalahaa ay odayaashu waydiiyeen Muuse Biixi ayaa ay noo xaqjiiyen ilo wareedyo ka ag dhawaa kulankan  in su’aalahii ay waydiiyeen odayaashu ay dhaliyeen buuq iyo sawaxan ka dhacay goobta oo odayaashii kulanka goob jooga ka ahaa kala afkaar ka dhigay,waxaana xogaha ay noo sheegeen in  qaar kamid ah su’aalahaa uu ku haftay Muuse Biixi jawaabo-na u waayay waxaana su’aalahaa kamid ahaa inuu u sheego mansabka uu ugu talo galay siyaasi Axmed Muumin madaama uu ahaa murashax madaxwayne ku xigeen u taagan una soo tartamay taas oo uu ka meer meeray Muuse Biixi?

Dhanka kalena xogahan ayaa noo sheegay in galinka danbe ee maanta la filayo inuu Muuse Biixi kulan sidan oo kale qaarsoodi ah uu la qaato dhalinyarada iyo aqoonyahanka beelaha Habar-cafaan iyo Maxamed Case oo ah beelaha ay kasoo kala jeedaan Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo siyaasi Axmed Muumin Seed kuwaasi oo uu ka xod xodanayo inay cududooda taageero ku garab galaan oo ay taageeraan codkoodana siiyaan.

 

Gabagabadiina lama garanayo natiijada kasoo baxday kulankii la sheegay inuu xalay dhex maray Muuse Biixi Cabdi iyo odayaasha iyo waxgaradka siyaasi Axmed Muumin Seed,balse ujeedada ugu wayn  ee uu Muuse Biixi u tagay magaalada Borama ayaa la sheegay inay la taxaluqdo sidii uu beelaha gobolada Awdal iyo Salel taageero uga raadsan lahaa.

 

 

COMMENTS
LINKS