|
|||||
WAJAALE NEWS
Muj Sahra Halgan Oo ka Hadashay Qoraal Ay ay Hore U Qortay oo si Qaldan loo Adeegsaday, Eedo Culusna Ujeedisay Wasiirkii Hore Ee Hawlaha Guud Siciid Sulub.
December 2, 2016 - Written by Editor:MUJ Sahra Halgan oo kamida haweenka Somaliland kana mid ahayd haweenkii safka hore kaga jiray halgankii dib u xoraynta Somaliland ayaa ka hadashay qoraal ay hore u qortay kaasi oo sida ay sheegtay loo adeegsaday si qaldan lana marin habaabiyay balse iyadu ay kaga hadlay qarannimada somaliland iyo waxyaabahan aan haboobayn, Hadaba Sahar Halgan oo qoraal kooban soo dhigtay barta ay ku eedahay Facebooga barkulanka bulshada ayaa wuxu udhignaa Sidan; Jimce wanaagsan waxaan halkan uga sheegayaa umada Somaliland Ilaahay baan qaldamin dadkuna haday isa sixiwaayaan intay nool yihiin markay dhintaan waxba isuma aha anuu qaran baan ka hadlayay in olole siyaasadeed hadalkayga laga dhigto ama dumarnimo loo quudhsado samsam umaan qorin maqaalkayga looguna maah maaho “dumar baad ka Tahayoo Waxba Dunida kama Ogid “ Waxan leeyahay wasiir samsam gaar ahaan hadalkii burco mid sax ah muu ahayn Laakiin in aniga sahra halgan ahaan layga dhigo wado samsam loo maro waan ka soo horjeedaa siyaasad baan dhaliilay laakiin dumarnimo qiimo iyo sharaf baan u hayaa waayo anaa dumara oo dalkan u soo halgamay . OoN ogolayn in haweenka SOMALILAND wax laga sheego . Taasi waxay ku socotaa raga onkodaya ee Qadhqadhaaya. Iyadoo hadalkeedii Sii wadatana Waxay Tidhi. Midkaa daba taal intaas Xisbiyada mucaaridka gaar ahan aabaha qabyaalada somaliland siciid sulub oo isagu laabta garacaa ,wabsaydhada iyo joornaalada. Waxaan u sheegayaa sahra halgan maaha wado loo maro xukuumada, waxii aad u haysaan toos ugu yidhaahda oo eroyadayda muwaadinimo ee daacada ah ha u adeegsanina inaad ku dhaliishaan Somaliland guul iyo gobanimo. Related posts:Daawo Muuqaalka kenya Oo Gashay Qalalaase Siyaasadeed Iyo Raila Odinga Oo Goob Fagaare Ah Loogu D... Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Sobobta Ay Dalka Uga Joojisay Shirkadaha Air Arabia Iyo Fly Duba... Guurtida Iyo Wakiilada jsl Oo Heshiis Rasmi Ah Ka Gaadhay Qodobadii Ay Isku Khilaafsanaayeen Ee Xeer... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|