Muj Cali Guray Oo Cabdiraxmaan Cirro Uga Digay In Uu Siyaasad Ka Dhigto Dhacdooyinkii Dagaaladii Sokeeye , Muuse Biixina Kula Taliyay In Aanu ka Jawaabin Eedahaasi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muj Cali Guray Oo Cabdiraxmaan Cirro Uga Digay In Uu Siyaasad Ka Dhigto Dhacdooyinkii Dagaaladii Sokeeye , Muuse Biixina Kula Taliyay In Aanu ka Jawaabin Eedahaasi.
December 29, 2016 - Written by Editor:

“Cabdiraxmaanow Halka Aad Xoqaysaa Maaha Meel Siyaasad laga Doono Ninkii ka Doonaana u Malayn Maayo Inuu ku Macaashi Doono”!!. MUJ CALI GURAY.

“Muuse  Waxaan kula talin lahaa in aanu si toosa iyo si Dadban Midna Uga Jawaabin Hadalka Cirro”!! Muj Cali Guray.

“Dagaaladii Sokeeye Waxay Ahaayeen Nasiib Darro inagu Wada Dhacday Intii Dhimatayna Way Inaga Wada Dhimatay”. Cali Guray,

AAMUS KUU ROON

Dhidar xabaal qoday qudhun buu uga dhacaa ayuu noqonayaa Hadalka Cabdiraxmaan, gaar ahaan inta ku saabsan ama khusaysa dagaaladii Sokeeye ee dalka ka dhacay oo aanu midna Caabdiraxmaan dalka joogin markii ay dhacayeen. Anigu waxan odhan lahaa keliya Cabdiraxmaanow halka aad xoqaysaa maaha meel siyaasad laga doono ninkii ka doonaana u malayn maayo inu ku macaashi doono. Dembiilena waxa noqda qof maxkamad sharci ah horteeda uu kaga cadaaday oo lagu xukumay. Hadal qof yidhi dembiile laguma noqdo.

Dagaaladii sokeeye waxay ahaayeen nasiib darro inagu wada dhacday intii dhimatayna way inaga wada dhimatay. Adigu sidii ay wax u dhaceen xogogaal uma tihid lakiin hadalkaaga waxa laga dhadhamin karayaa in masuuliyadii oo dhan aad cid gaar ah ku moosayso mana jirto taasi ee waad qaldantahay. Waxan kugula talin lahaa ha ka dhigan kaadh aad shacbiga Somaliland taageero kaga doonto waayo in badan oo xogogaal ah ayaa nool. Waxa ka mid ah in badan oo xisbugaaga ka tirsan oo kaaga xogogaalsan oo aan kugu raacsanayn tafsiirka qaldan iyo sawirka beenta ah ee aad siisay wixii dhacay.

Hadii aan sua’aal keliya kaa waydiin lahaa waxay noqon lahayd 15kii November 1984kii ayay xabadii ugu horeeysay ka qaraxday Caasimadda eh halkeey ka bilaabantay, yaa riday xabadii ugu horaysay yaase lagu riday? kamana jawaabi karaysid. Mar kale waxan ku leeyahay ha xoqin meel aan kuu xoqmayn yaan Maryo Aloolka ku taageersani kaa dareerin eh. Ku darsoo anigu Maryo aloolna maan ahayn, Maleeshiyana maan ahayn, markii la is abaabulayayna shaqadaydu waxay ahayd oo aan ka shaqaynayay ABAABUL-KA-SAAR waanay kula joogaan markhatiyadii oo Maxamed Baaruud Cali oo Wasiir ahaa baa ka mid ah iyo Mujaahidiintii Gt Sayid Cali ee aan dhinacna raacin Hargeysana aanu wada joognay, gaar ahaan kuwii ka soo jeeday Beeshaada ee Garxajis.

Muuse laftiisa waxan kula talin lahaa in aanu si toosa iyo si dadban midna uga jawaabin hadalka Cirro waayo uma baahna

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

Cali Maxamed Yuusuf (Cali gurey)

COMMENTS
LINKS