|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Amartay In Xoriyadiisa Loo Soo Celiyo Siyaasi Muniir Iyo Taliyaha Saldhiga Dhexe Oo Shaaciyay Cida Ka Danbaysay Xadhiga Siyaasi Muniir
December 3, 2016 - Written by Editor:Hargaysa(wajaalenews)Maxkamada gobolka maroodijeex ayaa amartay in xoriyadiisa loo soo celiyo siyaasi muniir oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Wadani oo maalintii sadexaad ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalda Hargaysa, siyaasigan ayaa saaka la horgeeyay maxkamada taas oo aan wax kiis ah ku cadayn, sidaas darteedna waxay amartay maxkamadu in siyaasigan xoriyadiisa loo soo celiyo. Dhinaca kale taliyaha saldhiga dhexe ayaa shaaciyay in uu xadhiga masuulkan ka danbeeyay musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaanu sidaasi u sheegay xildhibaano ka tirsan golaha guurtida oo ay ka mid yihiin xildhibaan Waabeeye iyo xildhibaan Talyaanle.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|