|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxay Bulshada S/land Ku Xusuusan Doontaa Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi????
December 10, 2016 - Written by Editor:Bulshada S/land Dhag U Dhigi Mayso Been Abuurka Kashifan Ee Lagu Xajiimaynayo Xilkasnimada, Daacadnimada, Iyo Kartida Xilkiisa U Guto Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi Milgahooda ragaan dhawrinoo maagayaa jira e Mid kastoo maqaalada qoroo mala awaal sheega Mid kastoo maraataynayoo hadal maqiiqaaya Maskaxdiisa hadal aanu marin madasha keenaaya Maalintii timaadaba kuwaa madaxda ceebeeya Nimankaa mugdiga guurayee maalin socotaynin Masuulkii la doortaba kuwaa ceebta marinaaya Toban meeris madhaal loo xuliyo midho xasuuseed dheh. Waxaa Hubaala in ayna Bulshada S/land dhag u dhigi doonin Beenta kashifan iyo Hadalada lagu Xajiimaynayo Guulaha iyo Horomarka ay ku Talaabsatay Xukuumada Madaxwayne Axmad Maxamad Maxamuud Aadan (Siiraanyo) iyo Horomarka la taaban karo ee ay gaadhsiiyay Siyaasada Arimaha Dibada iyo Siyaasada Arimaha Gudaha Dalka S/land, Sidoo kale waa dhambaal ku jihaysan inta halmaansan xurmada Madaxda Dalkooda, inta xasadka iyo xumaanta ka shaqaysa, inta xakamaha goosatay ee xishoodka ka tagtay, inta xaalad abuurka ah ee u xusul duuban in ay weedho xanaf leh warbaahinta u mariyaan Masuul xillkiisa gutay, inta xirfada ka dhigatay xaqiraada iyo xajiimaynta Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo karti iyo daacadnimo Bulshada S/land ku taqaano,Wasiir hall adag,hadaf cad iyo higsi fog lagu yaqaano, Wasiiir xillkasa oo qunyar socoda, Wasiir dulqaad iyo daganaansho lagu yaqaano, Wasiir sinaan iyo cadaalad xillka Qaranka u guta, Wasiir Cilmi,Curin iyo Caqli lagu hogaamiyo Bulshada S/land ku taqaano , Wasiir Waxqabadkii iyo Horomarkuu ku talaabsaday mudo Shan Sanno ah uu hayay Xillka Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Bulshada S/land Bari iyo Galbeedba ay ka marag kacayso iyadoo Hurumarkuu ku talaabsaday ka muuqdaan Madaarada Dalka sida Madaarka Cigaal International Airport, Wasiir mudada uu Xillka Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada hayay u quus gooyay damaca Maamul Goboleedka Butland ee Soomaaliya ku sheeganayay Gobolka Sool iyo qaybo ka mida Gobolka Sanaag ee S/land, Wasiir Bulshada S/land ku bogaadinayso midho dhalka iyo guulaha uu ka soo hooyay Safaro isdaba jooga uu ku tagay Gobolada Sool iyo Sanaag, Wasiir hogaamintiisa ay ka muuqato waayo aragnimo Siyaasadeed mudo Lix Sanno ah uu hayay Xillka Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Wasaaarada Madaxtooyada oo Laf Dhabar u ah dhamaan hawlaha baaxada leh ee ay qaranka S/land u hayaan Wasaaradaha iyo Laamaha Dawlada S/land.
Xulashadaa iyo xog uririntaa aan araarta uga dhigay qormadaydu halkaa ha ii joogtee waa mar kale iyo falanqayntii Qurba joog iyo Qodaal joog oo idin soo gudbin doona Xikmadii hal abuurka iyo Xarfihii qoraaga oo gees u wada jeeda. Qodaal joog : Maad aragtay Hadaladan fariimaha Qabyaalada Xambaarsan ee lagu xaqirayo Horomarka iyo Waxqabadka muuqda ee Masuuliyiinta Qaranka? Miyaanse la gaadhin waqtigii laga gudbi lahaa Xoriyada bilaa Xuduuda ah? Qurba joog: Haa waan arkay waxaana la gaadhay Waqtigii xayndaabka Sharciga lagu soo dabaali lahaa inta halmaansan xurmada Madaxda Dalkooda waxaanan fariin u dirayaa inta ku jaho wareertay Saaxada Siyaasada ee hadalada gafka iyo meel ka dhaca ku ah Milgaha Dhaqanka iyo Sharafta Dawladnimo Warbaahinta mariya Masuuliyiinta Qaranka . Qodaal joog : Waxaa wax lala yaabo ah Hadaladan Been Abuurka ah ee Masuuliyiinta Xukuumadii Rayaale ku Dhaliilaan Masuuliyiinta Xukuumada Siiraanyo waana hadalo Qabyaalad iyo Qudhunkeeda xambaarsan oo gaf iyo meel ka dhac ku ah Milgaha Dhaqanka iyo Sharafta Dawladnimo. Qurba joog : Maanta waxaan Fariin adag u dirayaa Dadka sumada lagu gartaa ay tahay Maan gaabnimo iyo War xumo tashiilka caadaystay Xajiimaynta iyo Xaqiraada Guulaha Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo sida ka muuqata Gabaygan. 1: Milgohooda ragaan dhawrinoo maagayaa jira e 2: Toban masalo ragaa koobsadeen muuqa garanaayo 3: Mid kastoo maqaalada qoroo mala awaal sheega 4: Mid kastoo maraataynayoo hadal maqiiqaaya 5: Maskaxdiisa hadal aanu marin madasha keenaaya 6: Maalintii timaadaba ragaa madaxda ceebeeya 7: Nimankaa mugdiga guurayee maalin socotaynin 8: Mashruucuu danaystuhu wadiyo mawjadaa badane 9: Murti culus madhaal loo xuliyo midho xasuuseed dheh 10: Maamulkiyo sharciga dawladnimo ma kala maarmaane 11: Haday murugto marjaca loo noqdana milicsi waayeel dheh Qodaal joog: Siyaasiga dhaliisha sheegaya ama Muwaadinka dhabta ah ee Mucaaradka ah waa ka garanaya in Masuuliyiinta Xukuumadu huwan yihiin Sharaftii Qaranka ayna mudan yihiin in la xurmeeyo dhaliisha uu gudbinayaana ay tahay mid xaqiiqda iyo danta guud ku qotonta sida Gabaygani tillmaamayo.
1: Mabda’a hufan hadal koobayiyo erayo miisaaman 2: Taladii muwaadinkii dhab ahi maanka galinaayo 3: Talo muranka diidanoo bulshada lagu midaynaayo 4: Murti danaystaha maaha tidhi masibidkuu sheego 5: Dhaliil masraxa dhawrasoo madaxda ceebaynin 6: Taariikh mug wayn maqaal daafacoo masaxin sooyaalka 7: Midho shilis madhaal loo xuliyo mahadhadaydii dheh 8: Murti culus muxibana ku ladhan midho xasuuseed dheh 9: Maamulkiyo sharciga dawladnimo makala maarmaane 10: Haday murugto marjaca loo noqdana milicsi waayeel dheh Qurba joog : Ugu danbayn waxaan ku soo guubaabinayaa Shaqsiyaadkaa in ay ka waantoobaan Dhaliilahan Xaqiiqda ka fog ee lagu Xajiimaynayo Masuuliyiinta Qaranka. Qalinkii Iyo Erayadii Abawaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land
Related posts:“Anigu filimaayo In Madaxwayne Muuse Sidii Siilaanyo & Daahir Rayaale In Uu Aqal Qasri ah Kasii Dhis... An Open Letter to His Excellency the President of Somaliland: Sir, We Are Losing The Aviation Battle Waxa La Inooga Baahan Yahay In Aynu Qorshihii Umadeena Iyo Hiigsigii Boqolka Sano Ee Soo Socda!W/Q; ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|