|
|||||
WAJAALE NEWS
Masuul Madaxweyne Silaanyo Xalay U Magacaabay Wasiir Ku Xigeen Oo Is Casilay
December 4, 2016 - Written by Editor:Hargeysa (Wajaalenews)-Wasiir Ku Xigeenkii Xalay loo magacaabay Wasaaradda Kalluumaysiga Mudane Cabdiqaadir Maxamuud Dhago-wayne, ayaa goor dhawayd sheegay in aanu qaban Karin xilka uu xalay u magacaabay madaxweyne Silaanyo isla markaana uu ka cudurtaay. Cabdiqaadir Dhagowayne ayaa ku sababeeyay cudurdaarkiisa in aan lagala tashan xilkan loo magacaabay, isla markaana aanu diyaar u ahayn in uu xilkaasi qabto. Mudane Dhagowayne ayaa xilkan loo magacaabay isagoo dalka ka maqan kuna maqan dalka Imaaraatka Carabta gaar ahaan magaalada Dubia. Dhinaca kale, iyaguna waxa isa soo taraya wararka sheegaya in masuuliyiin kale oo xalay uu madaxweyne Silaanyo magacaabay ay is casili doonaan.
Related posts:Raxan Wasiiro ah oo saaka ku waabariistay Magaalada Wajaale iyo Dareenada ku xeeran ujeedada safark... DAAWO; Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Muuse Biixi Oo Markii Uhoraysay Ka Hadlay Mawqifkiisa Saldhiga... DAAWO; Madaxwaynaha Somaliland Oo Caawa Shir Deg Deg Ah Iskugu Yeedhay Shir Gudoonka Labada Gole Iyo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|