Mashruucii Biyo Balaadhinta Caasimada Hargaysa Oo Istaagay Iyo Khilaaf La Sheegay In Uu ka Dhex Curtay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Iyo Shirkada Gacanta Ku Haysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mashruucii Biyo Balaadhinta Caasimada Hargaysa Oo Istaagay Iyo Khilaaf La Sheegay In Uu ka Dhex Curtay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Iyo Shirkada Gacanta Ku Haysa
December 28, 2016 - Written by Editor:

Maxaa Sobobay in xiligan Khilaaf Culusi   ka Dhex Curto Mareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa iyo Shirkada Gacanta ku Haysa Hawlaha Biyo Balaadhinta Caasimda Oo keentay  in Gabi Ahaanba  ay Istaagto Shaqadii?

HARGAYSA(Wajaalenews) Waxaa maalmihii ugu danbeeyay istaagay shaqadii ka socotay mashruuca biyo balaadhintan caasimada Hargaysa kaasi oo Sida la sheegay ay sobobtay in ay gabi ahaanba shaqadii istaagto kadib markii khilaaf culusi ka dhex qarxay mareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa iyo Shirkada Gacanta ku haysa hawlaha biyo balaadhan Caasimada   taasi oo ah iyadu ah shirkadii sub Contrac kasii qaadatay company Etoobiyaanka ahaa ee isagu ku guulaystay fulinta hawlaha mashruuca biyo balaadhinta caasimada taasi oo lagu magacaabo Star Group.

Hadaba wararka aanu ka helayno khilaafkan ayaa  tibaaxay in ayna waxa shaqa ahi socon mudo sedex cisho iyo dheeraada taasi oo ay  sobobtay kadib markii shirkada Star Group ay joojisay hawlihii ay ka waday iyadoo lasheegay in ay kudoodeen  in aan lasiin lacagtii ay hawlaha ku fulinaysay amaba lagula heshiiyay ,

biyo balaadhin 1 biyo balaadhinta 2

Dhank kale Maareeyaha wakaalada biyaha hargaysa ayaa la sheegay in uu ka gaws adayga in uu bixiyo lacagtaasi  gabi ahaanba balse macada ujeedada rasmiga ah ee keentay inuu diido lacagta ay ka dalbadeen shirkadan gacanta ku haysa hawlaha  biyo balaadhantin caasimada.

Si tastaba ha ahaatee arintani ayaa noqonaysa mid dib u ridaysa habsami usocodka mashruuca biyo balaadhinta caasimada hargaysa oo badi shacabka caasimada ku dhaqani ay baahi way u qabaan in ay helaan biyo nadiifa oo wada gaadhi dhamaan xaafadaha caasimada hargaysa

Halka ay joogsiga shaqada biyo balaadhinta hargaysa ay kusoo beegmayso iyadoo uu mudo kooban shaqada kasii maqan yahay mareeyihii hore ee wakaalada  biyaha Ibraahim Siyaad halka masuulkan cusubina uu noqonayo mid bar bilowgii shaqada dhawaan loo magaacabay ay ka hortimaado durba khilaaf ka dhex curta isaga iyo shirkadii gacanta ku haysay hawlaha biyo balaadhin caasima kaasi oo aan lagaran karin xiliga uu dib u bilaabi doono iyo sida uu mareeyaha wakaaladu uga gudbidoono hawlaha adag ee horyaala masuulkan dhawaan loo magacaabay Maareeyaha  wakaalada biyaha hargaysa ,

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS