Markii Ugu Horaysay Wajigii Siyaasadda Ee Silsiladii Siinlay Waxa Carabka Ku Dhuftay Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi. Muj Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Markii Ugu Horaysay Wajigii Siyaasadda Ee Silsiladii Siinlay Waxa Carabka Ku Dhuftay Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi. Muj Cali Guray
December 3, 2016 - Written by Editor:

Markii ugu horaysay wajigii siyaasadda ee Silsiladii Siinlay waxa carabka ku dhuftay Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi. Lakiin yaa siyaasadeeyay? Sidee loo siyaasadeeyay? Maxaase loo siyaasadeeyay? Cali Guray,

Siinlay intii ay ku koobanayd Hadraawi iyo Cabdiqays waxay is waydaarsadeen afar maanso

SAXARLA

SUUBAN

SIDI QABAX

SARGOOYO

Ka dib rag dhawr ah ayaa soo galay oo kuwo ka mid ihi ay Cabdiqays ku goobteen arinkii sarbeebta ahaana ka dhigay siyaasad amma qaawiyay oo sidii dadwaynuhu u fasirteen rasmi ka dhigay. Waxanay ka dhigeen Cabdiqays inu dambiile yahay ka soo horjeeda Somaaliwayn waanu bixiyay qiimihii oo noqday inu Afar sanadood xabsiga ka soo laaco iyada oon haba yaraato eh wax maxkamad ah la horgeyn. Hadraawi ayaa isagana loo mustaafiriyay toolo yar oo gobolka Jubadda Sare(Bay) ku taal oo magaceeda la yidhaa Qansax Dheere. Cabdiqays labadiisa maanso ee kale SOOMALIDA MA CAYIN IYO SIRMA QABE sheekadii u taxnayd isaga iyo saaxiibkiisa ay suugaan wadaaga yihiin ee Hadraawi lama haysato ee isaga ayaa isku difaacaya ragga dabinka u qoolayna si cad ayuu u sheegayaa. Lakiin Hadraawi markuu arkay in arinkii la siyaasadeeyay ama hugiiba laga qaaday wuu dareensiiyay waanu u digay. Colka iska soo galay siinlayda ee Cabdiqays ku goobtay wuxu ku sheegay Socodbarad ay maansadu maanta ugu horayso waxanu si gaar ah farta ugu goday Siciid Saalax iyo Riiraash.

Insha Allaahu si gaar ah ayaan mar kale iyo meel kale ugaga hadli doona sirta sheekada Silsiladda Siinlayda hadii Alleh yidhaa.

COMMENTS
LINKS