|
|||||
WAJAALE NEWS
Mali oo lagu afduubtay haweeney gargaarka ka shaqeyneysay oo Faransiis ah
December 25, 2016 - Written by Wariye:Mali(WJN)Saraakiisha amniga ee dalka Mali waxay sheegayaan in haweeney gargaarka ka shaqeyneysay laga afduubtay magaalada Gao. Haweeneyda ayaa haysatay Dhalashada Faransiiska iyo Switzerland. Warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in gurigeeda laga afduubtay. Waxaa lala kexeystay cunug agoon ah, waxaana afduubtay seddax qof. Hogaamiyihii Islaamiyiinta Tuareg oo la dilay ICC oo 9 sano oo xabsi ku xukuntay nin ka tirsan Islaamiyiinta Mali Xubin ka mid ah dowladda hoose ee Gao ayaa sheegay in howlgal badbaadin ah uu bilowday. Ma caddo aqoonsiga dableyda iyo waxa ay doonayaan ee afduubka ay u geysteen. Weeraro aan joogto ahayn ayay islaamiyiinta ka geystaan waqooyiga Mali, tan iyo sanadkii 2012kii. Unesco oo sheegtay inaan la gaari karin hiigsiga waxbarashada ilaa 2042 Xilligaas ayaa dalkaasi laga saaray malleeshiyaadkii Tuareg iyo islaamiyiinta. Militariga dalka Faransiiska oo caawinayay dowladda Mali ayaa ka sifeeyay dalkaas dhammaan malleeshiyaadka. Hargeisa Office Related posts:DAAWO;-Wasiirka Maaliyada Dalka Uk Oo Ka Jawaabay Su,aalo Laga Waydiiyay Qadiyada Somaliland, Kana H... Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Talaabada Ciidanka Qaranku Kula Wareeggay Saax-dheer iyo Baaqa Caa... Wasiir Saajin Oo Bilaabay Olole Uu Cod Ku Waydiisanayo Ergooyinka Beelaha Ee Shirweynaha Xisbiga Kul... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|