Mali oo lagu afduubtay haweeney gargaarka ka shaqeyneysay oo Faransiis ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mali oo lagu afduubtay haweeney gargaarka ka shaqeyneysay oo Faransiis ah
December 25, 2016 - Written by Wariye:

MAILMali(WJN)Saraakiisha amniga ee dalka Mali waxay sheegayaan in haweeney gargaarka ka shaqeyneysay laga afduubtay magaalada Gao.

Haweeneyda ayaa haysatay Dhalashada Faransiiska iyo Switzerland.

Warar aan la xaqiijin waxay sheegayaan in gurigeeda laga afduubtay.

Waxaa lala kexeystay cunug agoon ah, waxaana afduubtay seddax qof.

Hogaamiyihii Islaamiyiinta Tuareg oo la dilay

ICC oo 9 sano oo xabsi ku xukuntay nin ka tirsan Islaamiyiinta Mali

Xubin ka mid ah dowladda hoose ee Gao ayaa sheegay in howlgal badbaadin ah uu bilowday.

Ma caddo aqoonsiga dableyda iyo waxa ay doonayaan ee afduubka ay u geysteen.

Weeraro aan joogto ahayn ayay islaamiyiinta ka geystaan waqooyiga Mali, tan iyo sanadkii 2012kii.

Unesco oo sheegtay inaan la gaari karin hiigsiga waxbarashada ilaa 2042

Xilligaas ayaa dalkaasi laga saaray malleeshiyaadkii Tuareg iyo islaamiyiinta.

Militariga dalka Faransiiska oo caawinayay dowladda Mali ayaa ka sifeeyay dalkaas dhammaan malleeshiyaadka.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadier Habane

COMMENTS
LINKS