|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Shaaciyay Korodhka Miisaaniyad Sanadeedka 2017 Oo Korodhay 27.5%
December 22, 2016 - Written by Editor:Hargaysa(wajaalenews)Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee Khamiislaha ahaa tirsigiisuna yahay210oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland WAR-SAXAAFADEED Hargeisa (BurcoOnline) 22.12.2016 Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee Khamiislaha ahaa tirsigiisuna yahay210oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood-dheer iyo falanqayn ka dib waxay xubnaha golaha wasiiradu duuduub ku ansixiyeen Dakhliga Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka, oo golaha la horkeenay maantakana koobnayd2,175,104,355,662oo shilin Somaliland ahuna dhiganta doolar ahaan$362,517,393. Xubnaha golaha wasiirada ee fadhiyey shirkaasi oo dhammaan u gacan taagay meel marinta miisaaniyada, may jirin cid ka aamustay iyo cid diiday toona, waxaana sidaasi loogu gudbindoonaa miisaaniyada sanadka 2017-ka golaha wakiilada Somaliland oo iyagu ka gudan doona waajibaadkooda. Miisaaniyaddani waa Miisaaniyaddii25 aad ee qarankan Jamhuuriyadda Somaliland yeesho,waxayna Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii sanadkii hore ee 2016. Boqolkiiba27.5%. Dakhliga
Miisaaniyadda 2017 oo u dhignayd sidan:
No Hay’ada SLSH Dollar 1Dawladda Dhexe 1,553,204,022,280 258,867,337 2
Hay’adaha Madaxa-banaan 303,338,532,125 50,556,422 3
Dawladaha Hoose 208,570,347,257 34,761,725 4
Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah 97,268,562,000 16,211,427 5
Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta 12,722,892,000 2,120,482
Grand Total 2,175,104,355,662 362,517,393
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|