Madaxweynaha Gambia Oo Qiray In Lagaga Adkaaday Doorasho Dhacday Khamiistii | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Gambia Oo Qiray In Lagaga Adkaaday Doorasho Dhacday Khamiistii
December 4, 2016 - Written by Wariye:

Yahya-JammehGambia (WJN):-Madaxweynaha Dalka Gambia Yahya Jammeh, ayaa qirtay in lagaga guuleystay Doorashadii Madaxtinimo ee Khamiistii ka dhacday Dalkaasi, sidaana waxa sheegay Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka ee Dalka Gambia

yahya-jammeh Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinku wuxuu in ay ahayd wax aan la saadaalin karin in hoggaamiyaha Gambia uu qirto in lagaga guulaystay doorashada, ka hor shaacinta natiijooyinka rasmiga ah.

Ilaa iyo hadda Yahya si toos ah isagu ugama hadlin natiijada hor-dhaca ah ee tilmaamaysa in uu ka codad yaryahay Adama Barrow oo ah hoggaamiyaha mucaaradka ee doorashada kula tartamayey, kaasi oo helay 45% codadkii la dhiibtay.

Dalka Gambia ee Galbeedka Afrika ku yaalla oo aan Awoodda Hoggaamineed aan si sahlan loogala kala wareegin tan iyo markii 1965-kii oo uu Xornimadiisa qaatay, ayuu Yahya oo hadda qiray in lagaga guuleystay doorashadu uu Afgembi kula wareegay Sannadkii 1994-kii, waxaanu Xilka Madaxweyne-nimo ee dalkaasi hayey illaa xilligaasi.

Horraantii Sannadkan, ayuu ku dhawaaqay inuu Dalka Gambia ku soo rogay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Mr Jammeh inuu geystay tacaddiyo. Wuxuu horay u sheegay inuu daweyn karo AIDS-ka iyo dhalmo la’aanta.

Waa kuma Adama Barrow?

Ø Wuxuu ku dhashay tuulo u dhaw magaalada Basse 1965-kii

Ø London ayuu u wareegay sanadkii 2000 uu wax ka baranayay isla-markaana waardiyana ahaan ku shaqeynayey.

Ø Gambia ayuu ku laabtay 2006 oo waxaanu aasaasay Shirkad ganacsi

Ø Wuxuu ku guuleystay magacaabista Musharraxnimada Madaxtinnimada toddobo axsaab oo isbaheysi sameysteen, waxaanu wakhtigaa Cambaareeyay Sharciga aan Xaddidnayn ee Xilliga Madaxweynaha hadda uu ka guuleystay ee Gambia.

 
Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS