Madaxweynaha Cusub Ee Maraykanka Oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Jamciyada Quruumaha Ka Dhaxaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Cusub Ee Maraykanka Oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Jamciyada Quruumaha Ka Dhaxaysa
December 27, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku tilmaamay Qaramada Midoobay in ay tahay murugo socota.

Qoraal uu ku baahiyey bogga uu ku leeyahay shabakadda Twitter-ka ayaa Trump ku sheegay in Qaramada Midoobay oo noqon kari lahayd mid wax tartaaa ay noqotay gole ay iskugu yimaadaan dadku oo ku haasaawaan wakhti fiicanna ku wada qaataan.

Todobaadkii hore ayuu si shakhsi ah u faro galiyey oo isku dayey inuu hakiyo cod bixintii Golaha Ammaanku u qaadayey qaraarkii cambaaraynayey deegaameynta Israel ka wado daanta galbeed.

Kama dambaystii waxa qaraarkii la meel mariyey Jimcihii, tallaabadaasina waxay Trump ku dhalisay inuu bixiyo digniin ah in arrimuhu sida ay yihiin ka duwanaan doonaan marka isaga loo caleemo saaro madaxweynenimada.

Source: BBC

 

COMMENTS
LINKS