Ma Dhabaa In Wasiir Cali Mareexaan Qorsheynayo In Loo Dhiibo Wasaarada Maaliyada Iyo Jiidhsiinta Maxamuud Xaashi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Dhabaa In Wasiir Cali Mareexaan Qorsheynayo In Loo Dhiibo Wasaarada Maaliyada Iyo Jiidhsiinta Maxamuud Xaashi.
December 5, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(WJN)-Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali-mareexaan),ayaa la sheegay in uu ulo booc ah ugu tukubayo sidii uu wareegi lahaa Wasaarada Somaliland damacan oo ka dhashey qorshe uu usoo hindisay Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbi Xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi islamarkaana, lagu hoos marinayo in aanu faragalin ku yeelanin Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay ku kala aragti duwan yihiin dhisitaanka Muuse Biixi.

cali iyo maxamuud

Hadalhaynta warkan ayaa dibada usoo baxey kadib markii Madaxweyne Siilaanyo dhawaan safar ugu baxey Gobolada bari ee dalka safarkaas oo laga dhex bilaabay olole Xisbiga Kulmiye iyo rajadiisa taageerada mustaqbal laga dhex alifey iyadoo uu soo jiitamey saluug xoogan oo Murashaxa jagada Madaxweyne ee Kulmiye Muuse Biixi ka bixiyay Wasiirka Maaliyada ee Xiligan Samsam Cabdi Aadan inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in xafiiltan hoose oo culusi u dhexeeyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo Wasiirka Hawlaha Guud Cali Mareexaan hadana waxa uu mid waliba dhankiisa u ololeysanayaa in Wasiirka Maaliyada aan laga qalin daarin halka/.

samsam

Wararka kale oo ka ag dhaw madaxtooyadu sheegayaan in Cali Mareexaan rajo fiican ka qabo mu,amaarad Wasiirka Madaxtooyada loogu maleegayo in damaciisa Gudoomiyanimada Kulmiye oo mugdi badan la galiyey ay marwadu ka badheedho laguna wargaliyo in aaney wakhtigan suurtagal aheyn in loo iftiimiyo rajada ku wareejintiisa sidaa daraadeedna uu daaqada uga baxo sidii Wasiirkii ka horeeyay ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan qorshahan oo ku adkaadey Cali Mareexaan iyo Muuse Biixi haseyeeshee la sheegay in ay wakhti badan ku luminayeen sidii loo mija xaabin lahaa Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi waxaaney dad badani rumeysan yihiin in Wasiirka Madaxtooyadu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuley sidii uu u taakeyn lahaa Murashaxnimada Muuse Biixi ilaa iyo inta lagu wareejinayo Gudoomiyanimada Xisbiga isagoo xakame adag ku haya in Muuse Biixi Golaha Xukuumada ku yeesho Wasiiro daacad u ah oo uu marar badan liiskooda jeebka ku soo qaatey una soo bandhigey Madaxtooyada.

COMMENTS
LINKS