Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex Galay Muuse Biixi Cabdi Iyo Gudoomiyaha Labaad Ee Kulmiye Maxamed Kaahin Iyo Halka Uu Salka Ku Hayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex Galay Muuse Biixi Cabdi Iyo Gudoomiyaha Labaad Ee Kulmiye Maxamed Kaahin Iyo Halka Uu Salka Ku Hayo
December 31, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)Warar xog ogaal ah oo aan helayno ayaa  sheegaya inuu khilaaf xoogani  ka dhex qarxay guddoomiyaha ahna musharax Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiye ku-xigeenka Xisbigaasi mujaahid Maxamed Kaahin, kaasi oo la sheegay inuu sii xoogaystay hadda,.

Khilaafkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay ka dib markii uu ka warhelay Mujaahid Maxamed Kaahin oo ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE in booska gudoomiyenimada xisbiga KULMIYE uu olole cad ugu jiro wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi isla markaana ay kulamo badan wada yeesheen madax-dhaqameedka beesha Muuse Abokor oo ah beesha uu kasoo jeedo wasiir Maxamuud Xaashi iyo murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi lagagana wada hadlay sidii gudoomiyenimada xisbiga KULMIYE loogu wareejin lahaa Maxamuud Xaashi Cabdi,waxaana uu Maxamed Kaahin sida naloo sheegay u arkay in booskii gudoomiyenimada xisbiga KULMIYE wakhtigan ay gashay gorgortan,ilaa haddana  Muuse Biixi aanu wax go’aan ah ka qaadan masuulka hanan doona kursiga gudoomiyenimada xisbiga haduu uu ku guuleysto doorashada

Xogahan ayaa sidoo kale noo sheegay in aanu Mujaahid Maxamed Kaahin muddo dhawr cisho ahba aanu kasoo xaadirin xarunta xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa,taas oo ifafaalo u ah khilaafka la sheegay inuu soo kala dhex galay labadan masuul.

Dhanka kalena Mujaahid Maxamed Kaahin ayaan la socon weftiga uu Muuse Biixi hoggaaminayo ee socdaalada ku gaalaabixinaya gobolada Togdheer, Sool , Saraar iyo xaysimo,taas badalkeedana uu la socdo waftigan wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo isagu dadaal xoogan ugu jira sidii uu u hanan lahaa kursiga gudoomiyenimada xisbiga KULMIYE.

Guntii iyo gunaanadkiina khilaafkan la sheegay inuu ka dhex istaadhmay murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Mujaahid Maxamed Kaahin ayaa la garanayn halka uu saldhigan doono.

 

COMMENTS
LINKS