Jarmalka oo wali raadinaya dadkii weerarka gaystay oo ay ku tuhunsan yihiiin hub. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jarmalka oo wali raadinaya dadkii weerarka gaystay oo ay ku tuhunsan yihiiin hub.
December 21, 2016 - Written by Wariye:

jarmal policeBaarliin (Wajaalenews):-Booliiska Jarmalka ayaa baadigoobaya qofkii ka dambeeyay weerarkii baabuurka loo adeegsaday ee ka dhacay magaalada Baarliin kaas oo ay ku dhinteen 12 ruux.

Booliiska ayaa sii daayay Arbacadii halkii ruux ee kali ahaa ee looga shakisnaa weerarka, iyaga oo sheegay in aan wax caddayn ah loo haynin in uu weerarkaas ku lug lahaa.

Hadda booliisku waxay sheegayaan in laga yaabo in ay baxsad ku jiraan in ka badan hal ruux ayna macquultahay in ay hubaysan yihiin.

Laamaha ammaanka ee caasimadda Jarmalka ee Baarliin ayaa heegan sare la galiyay.

Jermalka oo masaafuriyay qaxooti reer Afghanistan ah

Sirdoon Jermal ah oo loo xiray hadallo xagjir ah

Kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka ayaa sheegtay in uu weerarkan ka dambeeyay mid ka mid ah malayshiyadooda, laakiin wax caddayn ah ma aysan soo bandhigin.

Qofkii hore ee laga shakisnaa oo Pakistani ah magaciisana lagu sheegay Naved B ayaa diiday in uu wax calaaqaad ah la lahaa weerarka.

Booliisku waxay sheegeen in baaritaan lagu sameeyay gaariga laga waayay farihiisa amaba wax kale oo cadaynaya in uu weerarka qayb ka ahaa, waxayna durbaba shaki ka muujiyeen in uu yahay qofkii laga shakisnaa.

Wajaalenews.net
Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS