Israel Oo John Kerry Ku Eedaysay In Uu Falastiin U Xagliyey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Israel Oo John Kerry Ku Eedaysay In Uu Falastiin U Xagliyey.
December 29, 2016 - Written by Wariye:

johnHargeysa(wjn):- Ra’isal wasaaraha Israel, Benjamin Netenyahu, ayaa cambaareeyey hadal uu jeediyey xog-hayaha arrimaha dibedda Maraykanka, John Kerry, kuna tilmaamay mid eex ah oo aad u dhaliilayey dalkiisa.

Wuxuu sheegay in Kerry si talax tag ah diiradda u saaray deegaamaynta Israel laakiin se aanu waxba ka odhan gardarrada iyo xasaradda Falastiiniyiinta.

Kerry wuxu hadalkiisa kaga digay deegaamaynta Yuhuudda oo uu sheegay in ay carqaladaynayso xalka labada dawladood oo ay yeeshaan Falastiiniyiinta iyo Yuhuuddu u noqon karo colaadda Bariga Dhexe.

Wuxuu sheegay hadii la doonayo in dowladd qudha ay wada yeeshaan in ay tahay in Israel noqoto laba mid kood oo ah dawlad dimuqraadi ah ama mid Yuhuudeed, balse aanay labadaa wada noqon karin oo aanay nabad ku helayn.

Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, ayaa isna sheegay inu diyaar u yahay in wada hadallada nabadda uu dib ula bilaabo Israel hadii ay joojiso dhismaha guryaha deegaamaynta ah.

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye:Abdiqadir Habane

 

COMMENTS
LINKS