Isku shaadhaytii Caawa Ee Masuuliyiinta Qaranka Oo Daboolka ka Qaaday Fashilka Xil gudasho La,aaneed Ee Dulhoganaya Madaxwayne Siilaanyo Iyo Dhirigalinta Eexda Qabiilka Oo Galaafatay Wasiirkii Biyaha.FAALO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isku shaadhaytii Caawa Ee Masuuliyiinta Qaranka Oo Daboolka ka Qaaday Fashilka Xil gudasho La,aaneed Ee Dulhoganaya Madaxwayne Siilaanyo Iyo Dhirigalinta Eexda Qabiilka Oo Galaafatay Wasiirkii Biyaha.FAALO
December 3, 2016 - Written by Editor:

Dagaalka Qarsoon Ee Wasiir Maxamuud Xaashi kula Jiray Labadan Wasiir oo Sobobtay in  Masuuliyiinta kale xilka laga Caydhiyo  iyo Saamaynta ay ku yeelan Doonta Gobolada Darifyada Somaliland???.

LABADA MASUUL EE LOO SAMEEYAY ISKU SHHANDHATA

HARGAYSA(W.N) Muddo Lix Sanno iyo badha oo Madaxwayne Siiraanyo Talada Dalku gacantiisa ku jirtay waxaa wax lala yaabo ah in Isku shaandhayn kasta oo Madaxwayne Siiraanyo Sameeyo Seeftiisu ka baydho  Wasiirada Beeshiisa kaga jira Golaha Wasiirada iyadoo Madaxwayne Siiraanyo Taariikhda loogu qoray Madaxwaynihii Masuuliyiinta Beeshiisa ka dhigay kuwo aan u qalmin in ay ka mid noqdaan isku shaandhaynta oo gar iyo gar darroba Masuulka ay is qabtaan Xillkiisa ku waayayo sida ku dhacday Wasiirkii Wasaarada Biyaha Baashe Cali Jaamac oo Xillkiisii ku waayay Faro galin Qaawan oo Bilihii u danbeeyay kaga imanaysay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi .

haaye haaye

Hadaba  Xeeladaha ku lamaan Isku shaandhaynta uu caawa ku sameeyay Madaxwayne Siiraanyo Masuuliyiinta Qaranka iyo Golaha Wasiirada ayaa ah mid marag cad u noqonaysa Hadalo Maalmihii u danbeeyay ay ka sheegtay Wasiirradda Wasaarada Maaliyadu Samsam Cabdi Aadan shir duceed Madaxwayne Siiraanyo goob joog ka ahaa oo Waxgaradka Beesha Bariga Burco ay kula shireen kulan Taageero loogu doonayo Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Hadalkaa oo ay qoonsadeen inta badan Bulshada S/land iyagoo ku sababaynaya Diidmada Hadalka Wasiirradda Maaliyada mid Bulshada S/land kala qaybinaya oo Beelo u kala raraya iyadoo Isku shaandhaynta aynay Gabi ahaanba ku jirin Beesha Madaxwaynaha  iyo Beesha Murashaxa Madaxwaynaha Muuse Biixi oo Wasiirada Maaliyada hore u sheegtay in ay leeyihiin isgaashaan buuraysi ilaa Qarnigii hore jiray  iyadoo Masuuliyiinta ay Seefta Madaxwaynuhu qaaday ay ka mid yihiin Maareeyihii Walkaalada Biyaha Hargaysa iyo Agaasimihii Komishanka Aydhiska oo Labada Masuulba ka soo jeeda Beesha Galbeedka Hargaysa .

Sidoo kale Isku shaandhaynta ayaa saamayn balaadhan ku yeelatay Bulshada dagta Koonfurta Magaalada Hargaysa iyadoo Isku shaandhaynta Madaxwaynuhu ku sameeyay Golaha Wasiirada ay Seefta Madaxwaynuhu qaaday Wasiirkii Wasaarada Qorshaynta Cali Shoonbe iyo Wasiirkii ku xigeenkii Wasaarada Warfaafinta Marwo Shukri Xariir .Wasiirkuxigeenkii wasaaradwaxbarashada iyo tacliinta sare

Siyaasada Madaxwayne Siiraanyo Waa Mid Soo Kordhisay Wasiir Wasiirada Dhigiisa Ka Sareeya Oo

Bahdali kara Iyo Masuul Hoos Loo Dhigo Xilkii Uu Xukuumada Ka Hayay Iyadoo Aan La Saadaalin Karin In Uu Aqbali Doono Wasiir Cali Shoonbe Uu Qaadan Doono Xillka Uu Wasiirkii Hore Ee Arimaha Guduhu Cali Waran Cade Uu Hore U Diiday Ee Wakiilka S/land U Fadhiya Dalka Itoobiya Iyadoo Hadii Uu Diido Wasiir Cali Shoonbe Ay Dhaawac Xoogan Soo Gaadhsiiso Xidhiidhka Qotada Dheer Ee Inaga Dhexeeya Dawlada Itoobiya .

dhaaxaan jibaadee

Sidoo kale waxuu Madaxwayne Siiraanyo soo kordhiyay Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska oo noqonaysa Wasaaradii Todoba Iyo Labaatanaad ee Madaxwayne Siiraanyo iyadoo Wasaaradaha Qaarkood ay joogaan Shann Masuul oo digreeto Madaxwayne  ku wada magacaaban halka Wasaarad waliba ka leedahay Wasiiro Dawle aan Xafiis uu ku shaqeeyo aan lahayn Distoorkana aan Waafaqsanayn sida ku cad Qodobka 86 ee Distoorka .

Isku soo wada duubuu waxa hubaala in Madaxwayne Siiraanyo Taariikh Xumo ka raaci doonto Hogaaminta Dalka iyadoo Xukuumada Siiraanyo noqotay tii ugu tayada xumayd uguna la taliyayaasha badnayd Xukuumadihii soo maray S/land.

 

WAJAALENEWS DESK

HARAGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WAJAALE STAFF

COMMENTS
LINKS