Isir Sooc Baahsan oo Ka Socda Qaybo Ka Mid Ah Dalka Koonfurta Suudaan & Walaaca Qaramada Midoobay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isir Sooc Baahsan oo Ka Socda Qaybo Ka Mid Ah Dalka Koonfurta Suudaan & Walaaca Qaramada Midoobay.
December 4, 2016 - Written by Wariye:

sudaan1Juba (WJN):-Guddi ka mid ah Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in isir-tir ay ka socoto qaybo badan dalka Koonfurta Suudaan, loona baahan yahay in beesha caalamku ay deg-deg wax uga qabato si looga hortago inuu dhaco xasuuq la mid ah kii ka dhacay dalka Rwanda 1994-kii.

isirBooqasho ay ku tageen Suudaanta Koofureed, Guddidu waxay xuseen dad gaajo lagu dilay, tuulooyin la gubay iyo hadallo sheegaya meydad laga helayo waddooyinka waaweyn.

Madaxweyne Salva Kiir waxaa uu si xoog leh u beeniyay in isir-tir ay ka socoto dalkaas, laakiin Madaxa Guddida Qaramada Midoobay Yasmin Sooka waxay sheegtay in beesha caalamka looga baahan yahay inay si dhaqso ah uga hortagto si aanay u soo noqon wax la mid ah xasuuqii Rwanda.

Dalkaas waxaa la degay dagaal sokeeye tan iyo sanadkii 2013, labo sano kaddib markii uu madaxbannaanidiisa ka qaatay Sudanta Waqooyi.Hargeisa Office

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS