Hanjabadii Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Rumowday Iyo Saamayta Ay Somaliland ku yeelandoonta Xilka Qaadista Reeraysa Ee Lagula kacay Wasiir Baashe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hanjabadii Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Rumowday Iyo Saamayta Ay Somaliland ku yeelandoonta Xilka Qaadista Reeraysa Ee Lagula kacay Wasiir Baashe.
December 3, 2016 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Digraytadii la filayay in ay tahay tii ugu danbaysay ee uu m/wayne Silaanyo Sameeyo ayaa saacado ka hor lagu dhawaaqay,taas oo lahayd sadex waji oo kala ah xilal cusub,isku badal iyo xilka ka caydhinba iskugu jirtay, waxaana siyaabo kala duwan u fasiray shacab waynaha Somaliland oo mudooyinkan danbaba dhagahooga ay ka badatay in isku shaandhaynta ka soo baxda madaxtooyada ay door wayn ka ciyaaraan dajinteeda wasiirada ay isku haybta yihiin M/wayne silaanyo, iyaga oo ka dhursugayay in dhagahoogu mar uun ay maqlaan wasiir ay isku hayb yihiin oo shaxda hore kaga jira isku shaandhaynta dastuuriga ah ee uu sameeyo madaxwaynaha Somaliland balse nasiib daro maa ay dhicin, ee waxaa ka dhex muuqday oo  liiska xaga hore kaga jiray wasiirka wasaarada biyaha Somaliland Md.Baashe Cali Jaamac oo ficil adagi ka dhexeeyay maalmahan ugu danbaysay wasiirka wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ka dib markii wasiir Baashe uu shaqo joojin ku sameeyay agaasimihiisa guud oo ay jufo yihiin wasiir Maxamud xaashi iskuna hayb yihiin Madaxweyne Silaanyo,taas oo uu kaga aargoostay wasiir Maxamuud Xaashi in uu xilka ka xayuubiyo wasiir Baashe, waana ta manta markhaati u noqotay qaraabakiilka iyo eexda ka taagan qasriga madaxtooyad.

wasiir baashe iyo maxamuud xashi

Xukuumadan naasnuujisa qabyaalada ayaa tan iyo markii uu hogaanka dalka qabtay madaxweyne Silaanyo waxaa kor u kacday heerka qabyaaladeed iyada todobadaa sanadoodba aan wax xilka qaadis ah lagu samayn wasiirada ay isku haybra yihiin madaxwayne Silaanyo iyada oo taasi u dheer tahay awoodo dheeraada oo inta badan la siiyo.

Si Kastaba ha ahaatee isku shaandhayntan ayaa noqonasa fadeexadii ugu waynayd ee ka dhacda aqalka madaxtooyada iyada oo wasiirka Biyaha md. Baashe ay dhinac kawada mareen wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi,Madaxwayne Silaanyo iyo Agaasimaha Wasaarada Biyaha oo sadexduba isku hayb ah, iyada oo shirkii Khamiislaha ahaa ee golaha wasiirada maalintii khamiistii si toosa oo nidaamka qaranka ka baxasan looga hor istaagay wasiir Baashe in uu galo aqalka madaxtooyada taas oo si toos ah amarkeega uu u lahaa wasiir Maxamuud Xaashi. Waana markii u horaysay ee la arko wasiir wasiir xilka ka qaada ama amra in la hor istaago in uu galo aqalka madaxtooyada

COMMENTS
LINKS