Halkan Ka Akhriso Magacyada Iyo Codadka ay Kala Heleen Calooshooda U Shaqaystayaal Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ku Guulaystay Doorashada Aqalka Hoose ee Somaliya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhriso Magacyada Iyo Codadka ay Kala Heleen Calooshooda U Shaqaystayaal Ka Soo Jeeda Somaliland Oo Ku Guulaystay Doorashada Aqalka Hoose ee Somaliya
December 6, 2016 - Written by Editor:

Muqdisho(wajaalenews)Natiijada Hor dhaca ah ee aanu ka helayno doorashadii aqalka hoose ee dawlada fadaraalka Somaliya ayaa waxa durba ku soo baxay Raysal wasaare ku xigeenka Somaliya Maxamed Cumar Carte Oo heleya 48 cod halka musharaxa la tartamayay uu helay 4 cod.

Waxa isna soo baxay wasiirkii arimaha dibada Somaliya Dr. C/raxman Bayle oo helay 47 cod halka uu musharixii la tartamayay uu helay 2 cod,

Waxaa iyaguna xusid mudan in ay jiraan sadex calooshooda u shaqaystayaal kale oo iyaguna soo baxay balse aanay noo suuro galin in aan magacyadooda helo.

COMMENTS
LINKS