Halkan Ka Akhri Nuxurka Labo Qodob Oo Muhiim ah Oo ay Xambaarsanayd Warqadii Waftiga Jabuuti Gudoonsiiyeen Madaxwayne Silaanyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri Nuxurka Labo Qodob Oo Muhiim ah Oo ay Xambaarsanayd Warqadii Waftiga Jabuuti Gudoonsiiyeen Madaxwayne Silaanyo
December 17, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa,(Wajaalenews)-Waxa soo baxaaya arimo xaasaasi ah oo ku saabsan xoolaha nool ee u dhoofi jiray dalka Sucuudi Arbia ee ka tagi jiray magaalada Berbera oo ay dawlada Sucuudigu dhawaan xayiraad saartay in laga dhoofin karo dalka Jabuuti, arintaasi waxa ay soo shaac baxday markii todobaadkani ay dalka yimaadeen wafti ka socda dalka Jabuuti oo uu hor kacaayay wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi, wasiirku waxa uu warqad culus ka siday madaxweynaha dalka Jabuuti, warqadaasi oo aan warbaahinta loo soo bandhigin waxa ku qornaa laba arin.

Waa ta koowaade dal;ka Jabuuti waxa ay dhamaystireen dakadii iyo maxjaradii u gaarka ahaa xoolaha nool ee dalkeeda ka dhoofaaya kuwaasi oo hore uga dhoofi jiray dakada magaalada Berbera oo ay dawlada Sucuudigu hakisay dhawaan in aan dalka Jabuuti arintaasi khusaynin hase ahaatee adhigii ka bixi jiray Somaliland loo soo wareejiyo dalka Jabuuti oo ay ganacsatada xoolaha dhoofisaa ay isticmaalaa dekada dalka Jabuuti iyo maxjaryada caafimaadka xoolaha ee la dhamaystiray, qorshahaasi oo ay warar hoose sheegayaan in dawlada Jabuuti ay olole xoogan ugu jirto sidii xoolaha ka dhoofa dekada Berbera oo dhaqaale xoogani uu ka soo galo Somaliland ay gabi ahaanba la wareegto dhoofinta xoolahaasi.

Arinta kale ee xaasaasiga ee labaad ee dhambaalka uu madaxweynaha Jabuuti u soo qoray mdaxweyne Siilaanyo uu xanbaarsanyahay sidii Jasiirada Saacadu Diin ee dhacda xeebta galbeed ee Somaliland in lagu wareejiyo dalka Jabuuti oo laga kireeyo, waxna jirta in dalka Sucuudigu uu jasiirdaasi uu aad u xiisaynaayo oo uu doonaayo in uu ka dhigto saldhig milatari oo ka baxsan ka uu Jabuuti ka samaysnaayo jasiiradaasi oo dalka Sucuudigu u arkay in ay tahay mid mihiim ah, siro aanu ka helnay madaxtooyada ayaa sheegaaya in warqada uu Ismaciil Cumar Geele u soo qoray madaxweyne Siilaanyo oo isaga farta laga saaray ay daba galkeeda dhawaan bilaabi doonaan labada dal, lamana garanaayo sababta dhul Somaliland leedahay uu Sucuudigu dalkale uu ugu ii daba fadhiisnaayo iyada oo uu hakiyay xoolahii noolaa ee caafimaadka qabay ee uga dhoofi jiray Somaliland.

Isku soo wada duuboo labadan qodob oo ka mid ahaa qodobada ugu waaweynaa ayaa hadii ay xukumadda Siilaanyo ku doorasato lacag iyo iibinta dhulka Somaliland dalka ku keeni karta burbur dhaqaale iyo mid siyaasadeed intaba.

Lana soco warar kale oo arimahaasi ku saabsan

 

Source:Qaranews

COMMENTS
LINKS