|
|||||
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhri 11 Qodob Oo Ka Soo Baxay Wajigii Koowaad Ee Wadahadaladii Uga Socday Somaliland Iyo Khaatumo Magaalada Adisbada ee Dalka Ethiopia
December 21, 2016 - Written by Editor:Hargays(wajaalenews)wadahadaladii u socday Somaliland iyo maamulka Khaatumo ayaa wajigiisii koowaad soo dhamaaday, kadib mudo laba cisho ah oo shir uga socday magaalada Adisababa ee dalka Ethiopia,waxaana shirkan laga soo saaray qodobo hordhac u ah wada hadaladan, sida ku xusan qoraalkan hoose: 1-in wadahadal iyo wada xaajood lagu dhameeyo khilaaf kasta oo jira 2-in wixii fad-qalalo iyo dacaayad gudaheena ah in la joojiyo meelna looga soo wada jeesto 3-in meel looga soo wada jeesto wixii gacan sadexaad ah ee faro galin ku samayn kara intey wadahadaladu socdaan. 4-in laga wada xaajoodo wixii ku saabsan dhiig iyo dhaqanba ah 5-in laga wada shaqeeyo xoojinta nabad galyada . 6-in ciidamada Somaliland eek u sugan gobolada Sool iyo deegaanada Sanaaf Bari iyo Buuhoodle dib loo qorsheeyo joogitaankooda iyada oo la tix galinaayo mar walba baahida iyo xaalada nabad galyadu sida ay tahay 7-in aan la qorin wax ciidan beeleed ah inta wadahadaladu socdaan. 8-in maamul daadajin buuxda loo sameeyo oo taabanaysa dhinacyada siyaasada dhaqaalaha maamulka,arimaha bulshada iyo iyo nabad galyada 9-in si wada jir ah looga wada hawl galo sidii mashaariic waawayn oo horumarineed looga fulin lahaa goboladaasi 10-in la iska kaashado sidii gar gaar loogu raadin lahaa loona gaadhsiin lahaa dadka tabaalaysan ee abaartu ku dhacday. 11-in haayadaha Samafalka ee caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobey ka hawl galaan kana qaadaan xayiraada goboladaasi. Waraaqdan lagu soo saaray qodobada hordhaca heshiiska labada dhinac ayaa waxa ku wada saxeexan. DR Sacad Cali Shire Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo ah gudoomiyaha Gudida Wadahadalada Somaliland u mataya. Halka Dhinaca Maamulka Khaatumo uu ugu saxeexan yahay Gudoomiyaha Gudida Wadahadalada u matalaya Khaatumo Maxamuud Sheekh Omer Hassan
Related posts:Halkan ka Daawo Banjaamijkii Ciida ee HCTV iyo Wacdarihii Fanaaniinta halkaasi lagu soo xulay. Dawlada Emaaraadka Oo Ka Hadashay Sobobta Ay Ujoojisay Duulimaadyadii FLY DUBAI Oo Hakinteedu Saamay... Daawo: Abwaan Laabsaalax Oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Ka Jeediyay Xilwareejintii Wasaarada W... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|