Halkan Akhri:Magacyada Deegaano Ka Tirsan Somaliland Oo Uu Ka Curtay Raxmaadka Eebe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Akhri:Magacyada Deegaano Ka Tirsan Somaliland Oo Uu Ka Curtay Raxmaadka Eebe
December 20, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay ilaa shalay galinkii danbe uu raxmaadka eebe ka da’ay deegaano ka tirsan gobolka Sool oo ay ka jirtay abaar baahsani.

Waxaana deegaanada helay sida naloo sheegay roob fiican oo biyo dhigay isla markaana ay ku qabowsadeen bulshadii ku dhaqnaa deegaanadaasi kana cabeen.

Deegaanada la sheegay inuu ka da’ay raxmaadka eebe ee ka tirsan gobolka Sool ayaa waxa kamid ah Deegaanada Xidh Xidh ,Dhumay Iyo Widh Widh kuwaas oo ahaa deegaanada ay ka jirtay abaartu,bulshada ku dhaqan ayaa aad ula riyaaqay kuna farxay raxmaadkan eebee ee u hoorey oo ay muddo badan sugayeen.

Dhanka kalena Degmooyinka Laascaanood,Tukaraq,Adhicadeeye Iyo Yagoori ayaa naloo sheegay inuu raxmaadka eebe ka tiixay balse ay dul taagan tahay daruurtu sansaankuna u eeg yahay mid roobaad.

Deegaanada gobolada Sool iyo Sanaag ayaa hadda ah deegaanada ay ka jirto abaarta baahsan ee halakaysay dad iyo duunyaba waxaana ay bulshada deegaanadaa ku dhaqani u hanqal taagayaan inuu raxmaadka eebe si fiican u maasheeyo isla markaana ay kasoo kabtaan abaarta ku dabada dheeraatay ee sababtay dhimashada dad iyo duunyaba.

 

 

COMMENTS
LINKS