|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Iyo Xubno Wasiiro ah Oo Socdaal Dhuumasho ah Caawa Ugu Hoyday Magaalada Burco Iyo Dareenada ka Dhashay,,
December 26, 2016 - Written by Editor:BURCO(W,N) Gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahna murashaxa u caamadan xisbiga iyo xubno wasiirro ah ayaa safar aan ujeedadiisa hore loo shaacin isla markaana ah mid habaqle ah kaasi oo maant galinkii danbe uu ku baxay gudoomiyaha xisbiga iyo safiirka somaliland u fadhiya dalka imaaraatka Baashe Moorgan iyo xubno kale oo weheliyay ugu anbaxeen magaalo madaxda gobolka togdheer ee Burco, sidoo kale waxaa isna hore ugu sii sugnaa Magaalada Burco wasiir ku xigeenka wasarada arimaha gudaha Jaamac Biin, waftigan ayaa dareeno kala duwan ku abuuray shacabka gobolka togdheer waxaanay wararku sidoo kale sheegayaan in isna waftigan caawa uu ka daba baxay wasiirka maxdaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi kaasi iyada Oo ay xiliyo kala duwan ay soo kala gaaadheen magaalada Burco kuna soo galeen hab dhuumasho ah kaasi oo sida ilahan wariyeen Muuse Biixi iyo wasiir Maxamuud Xaashi ay meelo kala duwan kasoo kala galeen magaalada Burco. Ujeedadan waftigan ayaa xogaha kale ee aan helay tibaaxeen in ay magaalada burco u tageen sidii ay u xalin lahaayeen khilaaf culus oo soo kala dhex galay beesha uu kasoo jeeda Baashe Moorgan oo makrii hore qorshuhu ahaa in ay kusoo biiraan xisbiga kulmiye oo ay hadhaysay khilaaf uu keenay ku biirista xisbiga kulmiye, Dhanka kale wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ayaa intaa ku daray in laga Cabsi qabo in ay gudoomiyaha kulmye iyo Muuse Biixi u yimaadeen sidii ay khad cagaaran u kala dhex dhigi lahaayeen beelaha walaalaha ee wada degan magaalada kuwaasi oo ay jawaab uga dhigayaan shirar dhawan Burco ka dhacay oo ay iskugu soo dhawaadeen qaar ka mida beelaha deegaanka Burco balse xukuumada iyo xisbigeedu sas ay ka qaadeen.
Isku soo wada duub oo safarkan qorsoodiga ah ee masuuliyiinta xisbiga kulmiye iyo wasiirka madaxtooyada ayaa kusoo beegmaysa xili ay maalmihii u danbeeyay xukuumada iyo xisbigeeda lagu eedaynayay falal dhaawcyo loogu gaystay masuuliyiin ka tirsan xisbiga Wadani kuwaasi oo aan wali wax natiijo ah laga gaadhin wax ka qabashada dadkii wax yeelada u gaystay masuuliyiinta, halka dhanka kale ereyo xanaf leh hawada isku mariyeen taageerayaasha labadan xisbi kaasi oo markii dabne keenay in gudoomiyaha xisbiga kulmiye eeddo culus ujeediyo gudoomiyaha Wadani iyo beeshiisa kuwaasi oo u muuqday kuwo soo kicinayay lurkii dagaaladii sokeeye iyo fadqalalo cusub.
Si kastaba ha ahaatee xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa ayaa badi waqtigoogii ku qaatay olole iyo kaambayn xambaarsan nidaam qabyaaladeed oo lagu kala qaybinayo bulshada Somaliland iyada oo xiligan dalku la ciirciirayo sixir barar,Abaaro iyo waxyaabo badan oo manta ay baylihisay xukuumadan galab joogta ah iyo xisbigeegu balse nasiib daro lagu kharashgaraynayo kaambayn aan shinkiisii gaadhin. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|