|
|||||
WAJAALE NEWS
Diyaarad ciidan oo Ruushku leeyahay oo siday 92 qof oo burburtay
December 25, 2016 - Written by Wariye:Suuriya (WJN):-Diyaaradaha Tu-154 ee qaadda sahayda ciidamadda waxay si joogto ah ugu samaysaa duulimaad Suuriya Dayuurad ciidan oo Ruushku leeyahay oo ku jeeday wadanka Suuriya ayaa burburtay wax yar uun ka dib markii ay ka duushay magaalo xeebeedka Sochi ee dalka Ruushka, waxaana ay ku dhacday Badda Madow, sidaa waxaa xaqiijiyey wasaaradda difaaca. Waxaa la helay burburkii diyaaradda iyo meydka hal qof, Ma jirto cid ka badbaaday shilkan oo al helay. Wasaaradda difaaca waxay sheegtay in diyaaradda oo nooceedu ahaa Tu-154 ay siday 64 qof oo ka mid ah kooxda ugu sarreysa Muustikada ee ciidammadda Ruushka ee lagu magacaabo Alexandrov iyo sagaal wariye. Waxay ku socotay magaaladda Latakia ee dalka Suuriya in Syria, dayuuradda ayaa ka soo duushay magaaladda Moscow waxaana ay ku degtay garoonka dayuuradaha Adler ee magaaladda Sochi si ay shidaal uga qaadato. Hargeisa Office Related posts:Badhasaabkii Hore Ee Gobolka Sanaag oo Si Adag Uga Hadley Jabhada Uu Hogaaminayo Kornayl Caarre “Masuuliyiinta 10 Jirsaday Iyo Intayada Kale Ee Dawlada Kamid Ah, Waxaan Leeyahay Dadkii Xisbigu Way... Raysal Wasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid Oo Difaacay Xuduuda Maamul Goboleedka Puntland La Leey... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|