Diblamaasiyada Xisbiga Wadani Ee Dalalka Dariska ah Iyo Kala Qeybinta Xisbiga Kulmiye Ka Bilaabay Boorame Waa Kaaf Iyo Kala Dheeri!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Diblamaasiyada Xisbiga Wadani Ee Dalalka Dariska ah Iyo Kala Qeybinta Xisbiga Kulmiye Ka Bilaabay Boorame Waa Kaaf Iyo Kala Dheeri!!
December 12, 2016 - Written by Editor:

BORAMA(W,N) Waxeynu wada ognahey in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ee xilka talada dalka gacanta ku haysaa ku guuldareysatey gabi ahaanba Siyaasadii Arimaha Dibadda Somaliland ee Xidhiidhka diblamaasiyadeed ee Dalalka dariska ah iyo ta Dunida Caalamka iyadoo, ay sidaa tahey ayaa hadana Bulshada Somaliland guud ahaanba markhaati ka yihiin foolxumada uu Xisbi Xaakimka Kulmiye mudooyinkan dambe la dhex wareegayo Gobolada dalka iyagoo hore u baahiyay in ay wakhti xaadirkan xaaraan tahey ololaha Xisbiyada Siyaasada dalku maadaama lagu guda jiro xili abaar ba,ani hayso qeybo badan oo kamid ah Bulshada Somaliland, laakiin aanu carabkooda iy dhegtoodu is maqlin kadib markii ay Madaxweyne Siilaanyo iyo safarkiisii Gobolada Bari ee Gurmadka lagu sheegayay Xisbiga Kulmiye karbashada uu hayn waayey awgeed kaga dhex toosey olole foolxumo iyo raad qaloocan ah oo lagu kala qeybinayay Bulshada Gobolka Togdheer iyo kuwa Somaliland guud ahaanba.

KULMIYE AND WADANI CIRO IYO MUUSE

Waxeynu maalmihii u dambeeyay arkeynay talaabooyinka Diblamaasiyada ku dhisan ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani iyo Murashaxiisa Jagada Madaxweyne Cabdiraxmaan-Ciro dalalka Geeska Afrika ay ku gaadheen socdaalo la xidhiidha Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya iyo muhiimada ay leedahay in labada dal kawada socdaan arimo badan iyo waliba dalka Kiiniya oo Wafti culus oo Murashaxu u hormood u yahey oo Xisbigaasi ahi kula xaajoonayaan guud ahaanba dalalka Somaliland ka taageera Dimuqraadiyada iyo Doorashooyinka iyo diblmaasiyiinta kale ee dalalka Caalamka.

Hadaba waxa layaab leh in Xisbi Xaakimka Kulmiye oo aan anigu ku macneeyay qisadii ninkii boqorka ahaa ee ciqaabta marinayay dadkiisii kadib markii uu ku amrey shacbigii oo dhan in qof kastaaba kasoo goosto beertiisa weyn ee Bustaanka ah noocyada kala duwan ee khudaarta ka baxdey taas oo qof waliba wixii uu jeclaa kasoo goostey mid muus soo goosta mid Aale sonkor soo goosta,mid liin soo goosta mid xabxab soo goosta,mid dube soo goosta mid tufaax soo goosta hadana lagu amrey in nin waliba wixii uu beerta kasoo goostey uu dabada iska galiyo oo boqorkii jaahilka ahaa ee shacbigiisa Ciqaabta marinayay geed halkan ah usoo fadhiistey dadkii askartiisiina ay amar adag siiyeen ninkii u horeeyay ee liinta soo goostay kadibna uu ninkii qosol suuxey taas, oo ay la anfariireen boqorkii iyo askartiisii islamarkaana, ay mar kaliya wada weydiiyeen waxa uu ku qoslayo isagoo ninkii cabsi qosol kaga jawaabey su,aashoodii mar kaliyana kuyidhi ‘waxaan ku qoslayaa saaxiibkeyga iga dambeeyay ee Xabxabka soo sita’ iyadoo Siyaasad xumadii Dawllada Kulmiye lala yaaban yahey ayaa mid kasii siyaasad xumina xadhkaha usoo xidhey. Waxa layaab leh oo Bulshadu ka yakhyakhsooneysaa in Xisbigii Kulmiye Magaalada Boorame la dhex tagey wakhti aan munaasib aheyn oo aanu socon olole oo wali diiftii abaarta iyo Saameyntii xoolo joojinta Sucuudigu wacdi adag ku yahey in ay Bulshadii Reer Boorame qabyaalad iyo kala qeybin ula tagaan iskuna raacaan Madaxweyne Kuxigeenkii kuxigeenka u noqdey ninka dibada jooga ee xilkii uu qaranka u hayey ka riyooday iyo Murashaxii Kulmiye ee karbashada iyo kalsooni daradu ka muuqatey habeen iyo dharaar runtii waa sida loo kala aragti duwan yahey, ee loogu kala ilka qabow yahey Shacbiga Somaliland waxaanan leeyahey talaabooyinka indho la,aanta ah ee Kulmiye waa Foolxumo iyo kala qeybin shacbi waana kaaf iyo kala dheeri dhabaha diblmaasiyadeed ee Xisbiga Wadani marayo iyo tan xumaanta iyo qabyalaada ah ee Kulmiye hayaa.

 

EMAIL; WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS