Dalka Afrika ugu wax soo saarka badan Shidaalka oo Macluul iyo gaajo loogu dhimanayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalka Afrika ugu wax soo saarka badan Shidaalka oo Macluul iyo gaajo loogu dhimanayo
December 4, 2016 - Written by Wariye:

Shiidaal-dhamaad-70x70Nigeria (WJN):-Dalka Nigeria oo ah dalka Afrika ugu wax soo saarka badan dhinaca shidaalka ayaa waxaa ka taagan qeybo ka mid ah macluul iyo gaajo daran oo halis ku heysa nolosha kumanaan ruux.

Qaramda Midoobey ayaa ka digaysa in boqol kun oo qof oo u badan carruur ku nool woqooyiga dalka Nigeria ay halis ugu jiraan inay u dhintaan gaajo.

Hay’addan oo jeedinayay baaq deg deg ah ayaa waxa ay dalbanaysaa gargaar bani’aadanimo oo ka badan hal bilyan oo doolar si loogu gurmado dhulka ay dhibaatada ka soo gaartay weerarrada kooxda Booko Xaram.

Qaramada Midoobey ayaa xaaladda ka jirta woqooyiga Nigeria ku tilmaantay xasaaraddii ugu ba’nayd ee maanta soo wajahday qaaradda Afrika.

Inkastoo milatariga dalka Nigeria uu hadda la wareegay dhul ballaaran oo ay horey u maamuli jirtay kooxdan Boko Xaram, haddana dhibaatada kooxdan ayaa waxay la degtay wax soo saarkii beeraha iyo gargaarka bani’aadanimo.

Cunno la’aan ba’an ayaa sababtay in dadku ay gaajo u dhintaan, iyadoo Hay’adda dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF ay bishii la soo dhaafay qiyaastay in kummanaan carruur ah ay durbaba gaajo ugu dhinteen dalkaas.

Qaramada Midoobey waxa ay hadda sheegaysaa in ay u baahan tahay gargaar bani’aadanimo oo deg deg ah in ay gaarsiiso ku dhawaad toddobo milyan oo qof.

Nigeria ayaa waxaa sanad walba ka soo gasha dhoofinta shidaalka balaayiin dollar hase ahaatee waxaa la degay dalkaas musuq maasuq xoogan oo sababay in lacagtaas badankeed aan waxba loogu qaban shacabka ayna lunsadaan masuuliyiin sare oo dalkaas ka tirsan.
Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

COMMENTS
LINKS