DAAWO: Haweenkii Ugu Tira Badnaa Ee Gobolka Maroodi jeex Xisbiga kulmiye Oo ku Dhawaaqay In Ay Iska Casileen xilalkii Iyo Magacyada Xubnahan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO: Haweenkii Ugu Tira Badnaa Ee Gobolka Maroodi jeex Xisbiga kulmiye Oo ku Dhawaaqay In Ay Iska Casileen xilalkii Iyo Magacyada Xubnahan.
December 27, 2016 - Written by Editor:

Guddoomiyihii Garabka Haweenka Gobolka Maroodijeex Ee Xisbiga KULMIYE, Iyo Qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Degmooyinka Caasimada oo Caawa Iska casilay Xisbiga + Eedaha ay kusii Sabootiyeen Masuuliyiinta Xisbiga.

Hargaysa(Wajaalenews) Waxaa goor dhawayd xilkii iyo xubnimadii Xisbiga KULMIYE iska casilay Guddoomiyihii Garabka Haweenka Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga KULMIYE, qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobol Maroodijeex iyo Xubno Haween ah oo ka tirsan Ururka Qaranka ee NOW, waxaanay sidaas ku sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeisa.

Xubnaha is casilay magacyadoodu waa kuwan hoos ku qoran

1.Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga KULMIYE marwo Xusni Maxamed warsame

  1. Guddoomiyaha Garabka Haweenka Degmada Maxamuud Haybe ee Xisbiga KULMIYE Marwo Aamina Maxamed furre iyo Ku Xigeenkeeda marwo Qamar Ibrahim kirix
  2. Guddoomiyaha Garabka Haweenka Degmada Gacan Libaax ee Xisbiga KULMIYE marwo Layla xaaji muuse Kaahin
  3. Guddoomiyaha Abaabulka iyo wacyi gelinta Garabka Haweenka ee Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga KULMIYE Marwo Raaxo Axmed Aadan
  4. Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Degmada Ahmed macalin Haaruun ee Xisbiga KULMIYE Marwo Rooda cismaan cige
  5. Guddoomiyaha Garabka Haweenka xaafada sheekh mubaarik ee Xiabiga KULMIYE marwo Sucaad xuseen Nuur
  6. Xoghayaha garab Haweenka Gobolka maroodijeex ee Xisbiga KULMIYE Marwo Saddo Ismaciil xuseen,

https://youtu.be/K6kp5CBn1B0

COMMENTS
LINKS