“Barkhad Jaamac Batuun Sababta lagu Weeraray Haday fikirkiisa Tahay Waa Arin foolxun”. Muj Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Barkhad Jaamac Batuun Sababta lagu Weeraray Haday fikirkiisa Tahay Waa Arin foolxun”. Muj Cali Guray.
December 20, 2016 - Written by Editor:

Muj Cali Guray Oo Si Qiiro leh Uga   Hadlay  Weerar Xalay  Lagu Dhaawacay Xoghayaha Cadaalada Ee Xisbiga Wadani Barkhad Jaamac Batuun.

baaaar

Mudane Barkhad Jaamac Batuun waa haldoor runtii. Dhalinyarta aan jeclahay ee Somaliland ayuu kow ka yahay. Sababta lagu weeraray haday fikirkiisa tahay waa arin foolxun. Waxan kula xidhiidhay Tilfoonka cidda weerartay iyo sababta midna garan maayo waayo iska oo lugaynaya ayaa col baabuur watay uga soo degeen sida uu ii sheegayna way ku bilaabeen uun. Wuxu qaatay dhaawac muujin Saldhiga Bilayskana wuu ka diiwaangeliyay oo sharciga ayuu maray. Maadaama uu masuul xisbi qaran ka tirsan uu yahay oo weliba beesha uu ka soo jeedana aynu ognahay oo taasina dhinaca dhaqanka si kale loo qaadan karo waa waajib in aan arinkiisu inu madmadow iyo dembabas galo maaha ee bilaysku gacanta ku soo dhigo ciddii weerarka tooska ah u gaysatay Mudane Barkhad hadii kale waxa run ah wararka aan wax cadaymo ah loo haynin ee la wadwado oo ah in arinku ahaa shirqool laga soo maleegay dhinaca xisbiga Kulmiye.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh anigu waan ka soo horjeedaa in qofna lagu wax yeeleeyo fikirkiisa iyo aragtidiisa siyaasadeed waayo waa xaq uu dastuurka Somaliland u damaanad qaadayo muwaadin kasta oo Somaliland ah

COMMENTS
LINKS