Amiirka Dalka Sacuudiga, ee maalqabeenka ah Alwaleed bin Talal, Oo Fasaxay In Haween Waynaha Dalka Sucuudigu Baabuurta Wataan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Amiirka Dalka Sacuudiga, ee maalqabeenka ah Alwaleed bin Talal, Oo Fasaxay In Haween Waynaha Dalka Sucuudigu Baabuurta Wataan
December 1, 2016 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Wuxuu sheegay inay tahay mid dhaqaalaha uu u baahan yahay iyo xaquuqda dumarka in laga qaado xanibaada.

Sacuudiga waa waddanka kaliya ee adduunka oo dhan oo dumarka aysan wadi karin baabuur, dad u ololeeya in la joojiyo sharcxiga ayaa loo xiray inay jabiyeen sharciga.

“Waxaa la joogaa waqtigii ay dumarka Sacuudiga ay wadi lahaayeen baabuur” ayuu sheegay.

Amiir Alwaliid ayaa ah ayaa ka mid ah dadka hadla ee ka tirsan boqotooyada Sacuudiga oo horay u dhaleeceeyay xadgudubka xaquuqda bin’aadanka ee dumarka Sacuudiga.

Inkastoo uusan ku jirin siyaasada waddanka, wuxuu yahay gudoomiyaha shirkada Kingdom Holding Company (KHC), oo wax ka leh Citigroub iyo Euro Disney oo ka diiwaan gashan suuqa saamiyadaha ee Sacuudiga.

‘Fal xaqdaro ah’

Amiirka oo ka mid ah dadka ugu lacagta badan adduunka, ayaa sheegay: ” in loo diido dumarka inaysan wadin baabuur ayaa ah maanta xuquuq la mid ah midii loo diiday inaan wax la barin ama aan la siin warqad aqoonsi.

” kuligood waa xaqdaro dhaqan bulsho, taasoo ka adag mida uu ogolaanayo sharciga dhinaca diinta.”

Nimanka oo kaliya ayaa la siiyaa liisanka darawalnimada. Mudaaharaadyo looga soo horjeedo xayiraada ayaa socday 20 sano.

Hadalka amiirka oo lagu qoray website-kiisa, ayaa ku doodaya in xayiraada ay qaali ku tahay Sacuudi Carabiya.

Iyadoo aysan jirin gaadiid dadwayne oo fiican, in ka badan hal milyan oo darawal ayaa la shaqaalaysiiyaa inay dumarka baabuur ku wadaan, intooda badan ayaa ah ajnabi lacag badan lagu bixiyo.

 

COMMENTS
LINKS