“Afhayeenka Madaxweynaha oo la gudoonsiiyey Shahaado Sharaf” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Afhayeenka Madaxweynaha oo la gudoonsiiyey Shahaado Sharaf”
December 27, 2016 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)Mudane ARHE HAMEDNACA oo ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Parliament-ka ee dalka Sweden, gaar ahaan Xisbiga talada haya ee Social Democrats, oo beryahanba booqasho hawleed ku joogay JSL ayaa wuxuu Wasaarada Arrimaha Dibedda shahaado sharafyo ku gudoonsiiyey xubno ka tirsan Xukuumadda kuwaasoo kala ahaa Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda, Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Aadan Cige Xuseen Dayr iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda.

shahhado 3

Xildhibaanku wuxuu masuuliyiintan si mug leh ugaga mahad naqay sidii wacnayd ee qadarinta lahayd ee ay dalka ugu soo dhaweeyeen isaga iyo weftigii uu hogaaminayey, taasoo isaga ku reebtay xasuus, wanaag iyo inuu Somaliland mar walba u soo hiloobi doono.

shahaado 2shahaado 1

Mudane ARHE HAMEDNACA, in kasta oo ay Dawladdiisa Sweden uga digtay imaatinka Somaliland oo uu in muddo ahba rabay inuu booqasho ku yimaado, wuxuu si mug leh uga markhaati kacay arrimo uu in badan Somaliland ka maqli jiray kuwaasoo ah Nabadda, Xasiloonida, Dimuqraadiyada iyo horumarka ay JSL ku talaabsatay taasi oo uu ku hambalyeeyey Shacabka iyo Qaranka Somaliland.

Kulankan waxa soo qaban qaabisay Wasarada Arrimaha Dibedda JSL, waxana goob joog ahaa dhammaan madaxda ugu sarraysa Wasarada, Dr. Saad Ali Shire, Professor Maxamed Mixile, DG CabdirahmanAbdeeq iyo Gudoomiyaha Hay’ada Qurbo Jooga Cabdi Cabdillaahi.

COMMENTS
LINKS