10 of many Musharax C/raxmaan Cirro Oo Dhammbaal Tacsi Ah U Diray Marxuum Abwaan Xuseen Cabdi Xirsi (Boon Xirsi). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
10 of many Musharax C/raxmaan Cirro Oo Dhammbaal Tacsi Ah U Diray Marxuum Abwaan Xuseen Cabdi Xirsi (Boon Xirsi).
December 18, 2016 - Written by Wariye:

Tacsi Musharax Dr C/raxmaan Cirro

 

Innaa-lilaahi Wa Innaa -lilaahi Raajicuun

 

Musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI, ahna guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi CIRRO isagoo ku haddlaya magaciisa ka hoggaanka xisbiga WADDANI,ka laamaha debada iyo magaca dhammaan taageerayashaa xisbiga WADDANI wuxuu Taccis tiiraanyo leh u dirayaa,Abwaanada Fanaaniinta bahda Sugaanta iyo Majaajileystayaasha eheladii asxaabtii, qaraabadii,qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Cabdi Xirsi [Boon Xirs)oo xaley oo taariikhdu ahayd (18/12/2016) ku geeriyooday magaalada Hargeysa,waxaana uu u geeriyoodey xannuun ku soo boodo ahaa.

 

Musharax C/raxmaan Cirro ayaa Marxuum Xuseen Cabdi Xirsi (Boon Xirsi) ku sifeeyey muwaadin dal Jacayl iyo dad Jacayl badan,isla markaana nabada door weyn ka soo qaatay halgankii dib u xorraynta dalka somaliland,isagoo sidoo kalena marxuumka kaalin culus ka qaatay barbaarinta korinta afka hooyo ee dhinaca hal abuurnimada .

 

Musharax C/raxmaan Cirro wuxu eebe uga baryayaa Marxuum Xuseen Cabdi Xirsi (Boon Xirsi) in uu jannadii fardowsa ka waraabiyo, eheladii, qoyskii , qaraabadii, & shacabka reer Somaliland ee uu ka baxayna marxuumku uu samir iyo iimaan saadiqa Illaahay ka siiyo.

 

Aaamiin……….Aamiin.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

COMMENTS
LINKS