Yey Masuuliyadi ka Saaran Tahay Nidaamka Doorashooyinka Dalka Ee la Curtay Mudo kordhin Aan Duruufihii Shuruucdu Sheegtay Keenin? Qalinkii Maxamed Cabdi Jaamac. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yey Masuuliyadi ka Saaran Tahay Nidaamka Doorashooyinka Dalka Ee la Curtay Mudo kordhin Aan Duruufihii Shuruucdu Sheegtay Keenin? Qalinkii Maxamed Cabdi Jaamac.
November 3, 2016 - Written by Editor:

 (Waxaa inagu soo Foole mudo kordhintii 5aad intii Madaxweyne Ahmed Siilaanyo qaranka hogaaminayey)

Dalkeena dhibta ugu weyn ee haystaa waa xil gudasho la’aan ama masuuliyad daro sharciga qofba halkuu joogo kaga tagrifalayo, Nidaamka doorashooyinka dalku waxa uu leeyahay xilidooroshed loo cayimay(Mandate) oo kuraasida qaranka ee doorashooyinka ku yimaada leeyihiin.

bireeye

Waxa aynu u soo joognay inbadan oo khilaafyo doorasho iyo kursi dalkeena ka jiro waxbana kamaynaan baran oo maalinkasta Arinkii shalay ayaa inagu soo noqda iyada oo go’aan laga gaadhi Karo si sax ahna loo maarayn karo ayaa dadkii aynu dooranay cidiba cida kale ku tuurtaa masuuliyadaa in ay gabtay iyada oo sida uu shuruucda dalku sheegayso madaxweynuhu yahay ka ugu sareeya dalka loogana baahan yahay go’aan adag iyo ku dhac maamul in uu yeesho hadii uu daacad ka yahay xilkaa loo doortay.

Hadaba In la ilaaliyo xilidoorasheed kasta oo wakhtigeeda la qabto Waxa ay masuuliyadi ka saaran tahay madaxweynaha qaranka oo sida sharcigu sheegayo waa in uu diyaariyaa doorashada madaxtooyada sanadka ugu dambeeya mudo xileedkiisa ah.

Golayaasha kale ee sharcigana madaxweynaha ayuu dastuurku siiyey in uu sharcigii lagu dooran lahaa isagu dabada ka riixo si ay u soo Saaraan shuruucda hadii ay soo saari waayaana iyaga oo mudo dhaafay wuu kala diri karaa labada Gole ee wakiilada iyo Guurtida si dib loogu soo doorto.

Hadaba taasi miyey dhacdaa  somaliland? jawaabta adigaa leh akhriste.

Duruufaha loogu kordhiyo masuuliyiinta qaranka xilalka ma yihiin duruufo aan Aadamuhu waxba ka qaban karayn oo wakhtigu keenay?.

Sharciga umadu waxa ay u dhigataa in ay ku kala socoto, sharcigii hadii aanu cid uu xakamaynayaa jirin maxaa xal ah?

Dastuurka qaranka jamhuuriyada somaliland dhigatay waa dastuur Hadii sidiisa loogu dhaqmayo uu dalkani mahadin lahaa, Awoodaha dastuurku siiyey sadexda dhadhaar ee dawladnimada waa golaha sharci dajinta,Golaha fulinta iyo Garsoorka e waa in ay is miisamaan oo midiba midka kale wada shaqayn buuxda la leedahay iyada oo awoodahooga iyo shaqada ay qaranka u hayaan ku cadahay dastuurka.

Maxkamada sare oo ah hayada ugu saraysa garsoorka qaranka mid ka mid ah awoodaha dastuurku siiyey waa ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka, waxaa Maanta somaliland naafeeyayna waa ku tumasho sharci iyo fulin la’aanta shuruucda dalka.

Hadaba labada Gole ee kale ee qaranku waa sharci dajin iyo fulin oo ah  golena in uu soo saaro shuruucdii uu qaranku ku shaqayn lahaa golaha kalen a fuliyo, Hadii ay umadii u heshiiyeen golayaasha fulinta(xukuumada) iyo Golaha sharci dajinta oo ah G.wakiilada iyo Golaha Guurtidu miyaanay qaran jab ahayn.

Umadaha aduunka inagula nooli way ixtiraamaan Waxa ay dhigteen oo in badan ayeynu aragnaa masuul iska casilay xilkii markii uga soo bixi waayey sidii ay ahayd, cidi may eryin ee wuxuu ka xishooday oo uu ixtiraamay waxii dalkiisa u yaalay.

Nidaamka noocan ah intee in leeg ayeynu ku sii jiri karnaa muwaadin hadii xildhibaankii aynu dooranay mudo 5sano ah uu ka dhigtay 15sano in uu kursiga fadhiyo. Madaxweynihii aad dooratay mudo 5sano ah marka ay ugu yar tahay uu laba jeer korodhsado oo uu fadhiyo mudo 8sano ah, masuuliyadaasi yey saaran tahay hadii ay sharcigii ka soo bixi waayeen duruufo culus oo aan aadame wax ka qaban Karin oo xilalka lagu korodhsadaana aanay iman.

Golaha wakiilada waxa la kordhiyey 3goor oo laba jeer oo min labo sano ah iyo markan ugu dambaysay oo iyaduna aan mudaysnayn wali.

Waxa inagu soo socota in doorashada madaxtooyada dib loo dhigi doono oo loo kordhin doono madaxweynaha marka la eego mudada kooban EE ka hadhay iyo diyaargaraw la’aanta doorasho ee dalka ka muuqata.

Isku soo wada duuboo hagrasho iyo khiyaamo ay keentay xilgudasho la’aan Ayaa halkaa ina dhigtay iyo shacbiga oo  aan usoo jeedin in ay dalkooda iyo masiirkooda ka daba tagaan maadaama oo kuwii ay aamineen ee ay doorteenba sharciyadii iyo masuuliyadii ku tagrifaleen.

Wakhtiga iyo masuuliyadu waa laba arin oo diinteenuna aad u adkaysay shurucda dalkuna aad uga hadleen dadkii ilaashan lahaa aanay dhaadanaynba wali.

Dareenkaasi aniga mohamed ahaan wuxuu igu dhaliyey in aan tiriyo ama qaab maanseed ku cabiro aragtidayda anigoo la hadlaya dadweynaha:-

Sheekh nin aad u haysato oo hadana shiilaya shicibkiisii)

shay shay waxii aan isugu geeyay baa noqday

shaadh ninkii xidhaaba ku shaqeyso leeyahay

Shamareer inoogu filan shaabadaha lala wareegayo

Sharaftu maaha shilinka ka haysta loo shaqeeyaye

Sharcigoo shaqeeyaa lagu kala shar beelaaye

Shirkadaa  ku shaqaysata shaadirkii qarankena

Sheekh nin aad u haysato oo hadana shiilaya shicibkiisa

Sheer waxay noqdeen intii shaadhka umadu siisay

Shacbiga loo shaqeyana ha iga hadho shucaybow e

Shalay waxii la inoo sheegaya hadana la inagu shubayaaye

Shimbirayahoow heesa ayay maraysaa shaqadeeniiye

Shay qudha uun iswaydiiyoo shilku Waa shirbeelede

Shuraako shaadh qabiil xidhan baa shufbeelisay umadiiye

Shuguxshugux ka ilbaxi waynay shacbigaygowe

Shil aynu sababtiisa leenahay baa keenay shekada e

Shibta aynu nidhi baa la moodayaa shay saxa e

Shaqo cidi inooguma maqnee shekada ilooba

Shiishkiisu ninkii u ahaa u shaqee umadaada

Shirbaa looga galay in la shaasheeyo wuxu sheegayo

Sheelo ayaa lagu xidhay uu ku shuf beelaayo

Shuushoow bax intay nidhaa aynu shaydaanka iska naaro oo

Shuqulada iblayska ee sharka abuura ka shareero dadkeena

Shareecada oo aynu raacnaa lagu shil beelaaye

Shakuurkaa inagaga filaan markaa shirqool dhamaantiiye

Jaantuskan hoose waa qaar ka mid ah marxaladihii goleyaasha wakiilada somaliland soo mareen 1960-2005 oo aynu kaga soo gudubnay marxalado adag markii la isku xilqaamay in la raadiyo xal lagaga gudbo marxalado badan oo adkaa.

jaantus

COMMENTS
LINKS